Baydhabo:-Ku simaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman, ayaa magaalada Baydhabo ee xaruunta dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed kulan is xog-wareysi ah kula yeeshay odayaasha dhaqanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman, oo odayaasha ka dhageystay warbixino kala duwan ayaa kala hadlay horumarinta iyo ka shaqeynta nabada deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddoomiyaaha ayaa tilmaamay doorka odayaasha ee isku xirka bulshada, waxaana uu kula dardaarmay inay u midoobaan sidii dowladda Koonfur galbeed ay kala shaqeyn lahaayeen dadaalada ay waddo ee daadajinta nidaamka dowladnimadda.