1991 Wax waa la soo Arkay, Waxna waa inoo Laaban yihiin!!!.

Sannadku waa 1991, laba dagaal oo waaweyn ayaa dhacay & dagaallo yar yar oo goos-goos ahaa, dad iyo duunyo badan ayaa lagu waayay, dhaxal aan wanaagsaneyn ayaa lagala harey dagaaladaas!!!.
Bartamaha magaalada iyo goobo kale ayaa si xoog leh loogu dagaalamay, meelaha ugu daran ee la isku baabi’iyay ayaa waxaa ka mid ahaa Shingaani, Ex Baarlamaan, Bermuuda, Florenca, nasiib-buundo, Baar Ayaan, Al-caddaala iyo meelo kale!!!
Marka laga soo tago goobahaasi waxaa dagaal culus oo faraha looga gubtay uu ka dhacay wadada tagta Godka Jilacow iyo dalacaaddii uu ku yiilay Dugsigii loo yaqiinay Kacaanka ee Degmada Boondheere.
Abaarihii waa 22 Jan 1991, xaafadda la yiraahdo Daljirka Dahsoon ayaa dhinaca Yuusuf Al-kowneyn waxaa ka soo galay rag u dagaalamayay Jabahaddii USC, ishaydu waxay qabatey ciidan koox koox u socda, hub aan ka gartay Baasuuke iyo qoryo fud-fudud ayay ku hubaysnaayeen.
Daqiiqado kadib daryanka xabadaha ayaa ka joogi waynay, dagaal aan waxba la isu reeban ayaa ka dhacay agagaarka Gurigii aan joogay, xabadka ayaa dhulka dhiganay, halkaan maxaa ku keenay ayaa ku calaacalay!
Gabalkii ayaa halkaas inooga dhacay, habeenkii lama socon karin, waaga markii uu dilaacay ayaa hal-haleel halkaasi uga soo baxnay, Wadaad aan ehel nahay oo guri halkaas ku yiilay ilaashanayay ayaa ka soo kaxeynay!
Wadadii galabtaas la isku hartiyay Maankayga ayay ka go’i weyday, Dhawr sanno kadib ayaa waxaa ii suura-gashay in aan isla wadadii lug ku soo maro, si aan u arko xaalku wadadaas, la yaab waxaa igu noqotay sida ay u burbureen guryihii qiimaha badnaa ee jidkaas ku yiilay.
Wadadu waa cidlo, qof qof dhif ah ayaa ku soo dhiiranaya marida wadadaasi, cabsi ayaa dareemaysaa, darbi jaban, guri dusha laga fiiqday, albaab furan, lamayeeri qeylinaya oo qaw-qaw dhahaya, alaab ja-jaban oo jidka looga tagay, Booc-booc guryaha ka hor baxay, qashin iyo fool-xumo dhammaanteed ayaa ishaada buuxinaya!
Wadadaasi ayaa waxa ay ka mid tahay goobaha ugu ayaanka daran ee ku yaallo magaalada Muqdisho, 1991 waxaa isku haleelay oo Dhawr maalmood ku dagaalamayay Ciidamadii daacadda u ahaa Siyaad Barre oo halkaasi ka ilaalinayay Madaxtooyada iyo Xoogaggii USC oo hadafkoodu ahaa in ay halkaasi kaga dhacaan Villa Somalia.
Ayaandarrada kale ee wadadaasi ku dhacday waxaa ka xusi karaa Bililiqo baahsan oo loo gaystay guryihii ku safnaa hareeraha jidkaasi iyo kuwii ku ag yiilay, sidoo kale wadadaasi waxay marti galisay madaafiic sidii roobka oo kale ugu soo daadanaysay xilligii uu socday dagaalkii ahliga ahaa ee Afar biloodkii Xamar oo USC dhexdeeda ka dilaacay!!!.
Dhawr iyo Toban sanno kadib ayaa mar kale soo marey isla wadadaasi, inkastoo ay ka soo kabatey dhibaatadii ku dhacday ayaa haddana meelaha qaarkood waxaa iiga muuqday jugtii ay dagaaladii u gaysteen jidkaasi.
Hubaashii Xamar wax waa soo arkay, xumaan in ku filan waa ku dhacday, waa ayaandarro in cashar laga baran waayo wixii Muqdisho dusheeda ka dhacay, caqligu ha shaqeeyo, khilaaf walba oo taagan ha laga heshiiyo, dagaal há looga dheeraado sidii dhul gariir wax halaagayo oo kale!!!.
WD: C/Laahi Shiikhaalow