Rugta Ganacsiga &Warshadaha Soomaaliyeed iyo Shirkadda GSM Business Solutions oo kala saxiixday is-afgarad.

Muqdisho:– Rugta Ganacsiga & Warshadaha Soomaaliyeed iyo Shirkadda GSM Business Solutions waxay kala saxiixdeen is-afgarad halkaasoo GSM ay ogolaatay inay siiso taageero farsamo iyo caawinaad Rugta si loo horumariyo ganacsiga.

Labada dhinac waxay iska kaashanayaan xoojinta howlaha ganacsiga si ganacsatada Soomaaliyeed u helaan adeeg ganacsi oo waxtar leh. Is-afqaradkan wuxuu qeexayaa kaalmada GSM siinayso Rugta oo ah caawinaad farsamo, cilmi baaris, latalin, iyo xoojinta xiriirka shaqo si Rugta u gudato waaajibaadkeeda shaqo isla markaana bixiso adeegyada laf-dhabarka u ah horumarinta ganacsiga.

Rugta Ganacsiga & Warshadaha Soomaaliyeed

Rugta waa hay’adda ugu sareysa qaranka ee ururada ganacsiga waxayna ka shaqaysaa horumarinta ganacsiga iyo ilaalinta danaha ganacsatada guud ahaan Soomaaliya. www.somalichamber.so

Shirkadda GSM

GSM Business Solutions waa shirkad gaar loo lee yahay oo ka howlgasha Soomaaliya. GSM waxay bixisaa adeegyo farsamo oo kala duwan kuwaas oo lagu taageerayo ganacsiga, laguna bixinayo qiimo jaban looguna talagalay noocyada kala duwan ee ganacsiga. www.gsmbusinesssolutions.net