Dowladda FS oo Kenya ku eedeysay in ay Jabhado ku soo Hubeynayso Soomaaliya.

MUQDISHO:-Dowalada Soomaaliya ayaa maanta soo saartay war saxaafadeed ay uga hadleyso xaaladda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedeysay in ay gudaha dalkeeda ka soo abaabulayso jabhado ay doonayso in ay ku Khalkhal geliso ammaanka Soomaaliya.

“Dowldda Federaalka Soomaaliya waxay si dhaw ula socotaa abaabulka militari ee ay Dowladda Kenya maalmahan ka waddo aagga Mandheera iyada oo hubeynaysa jabhad ay si sharci darro ah dalkeeda ugu martigelisay si xasillooni darro looga abuuro gudaha Soomaaliya”.

Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka war heshay in Kenya ay dabada ka riixeyso guluf ka dhan ah Soomaaliya oo maleeshiyaad iyada ka amar qaata ay kusoo weerarayaan Beled Xaawo iyo saldhigyada ciidamada dowladda Soomaaliya

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ogaatay in Ciidamada Kenya ay hub iyo maleeshiyaad kusoo daad gureysay magaalada Mandheera si duullaan loogu soo qaado magaalada Beled Xaawo iyo saldhigyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aaggaas ku yaalla”.

Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya uga digtay tallaabooyinka ay ku abuureyso xasillooni darro saamayn ku yeelan doonta ammaanka Soomaaliya iyo kan gobolka intaba.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga digeysaa Dowladda Kenya ficillada gurracan ee ay ku wiiqayso nabadgalyada guud ee Gobolka Geeska Afrika, waxayna mar kale ku celinaysaa in ay Kenya ka fiirsato faragelinta qaawan ee ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya oo ay ka dhalan karto xasillooni darro saameyn ku yeelata amniga Gobolka”.

Ugu dambeyn Dowladda Soomaaliya ayaa wacad ku martay in ay qaadi doonto tallaabo walba oo ay ku hubanti gelinayso madax-bannaanideeda siyaasadeed iyo midda dhuleed isla markaana u taagantahay ilaalinta xurmada shacabkeeda.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay qaadeysaa tallaabo kasta oo ay ku xaqiijinayso madaxbannaanideeda siyaasadeed, wadajirkeeda dhuleed iyo ilaalinta sharafka iyo karaamada shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.

Soomaaliya ayaa waayihii dambe wadday cabashooyin ka dhan ah Kenya oo sheegaya in faragelin ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii ay Soomaaliya soo saartay go’aan ay xariirka ugu jartay Kenya isla markaana ay dib ula soo noqotay diblomaasiyiintii ka joogay Nayroobi, sidoo kalena ay ku amartay kuwa Kenya ee Muqdisho in 7 gudahood ay uga baxaan dalka.

Horay Soomaaliya iyo Kenya waxaa u dhex yaallay muran la xariira xuduudda badeed ee ay labada dal wadaagaan taasi oo uu haatn kiiskeeda horyaallo Maxkamadda Adduunka.