Baxreyn oo ku baaqday in Soomaaliya laga gacansiiyo dagaalka ay kula jirto Argagixisada.

MANAMA:-Dowladda Baxreyn ayaa beesha caalamka ku boorrisay in Soomaaliya ay ku gacansiiyaan dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab iyo kooxaha argagixisada ah.

Baxreyn ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay sida ay lagama maarmaan u tahay mideynta dadaallada beesha caalamka ee ku aaddan la dagaallanka falalka gurracan ee ay kooxahaasi ka fuliyaan Soomaaliya.

Dalalka Carabta ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ismaadinta ahaa ee Jimcihii ka dhacay Gaalkacyo kaasi oo lagu dilay saraakiil iyo howlwadeenno ka tirsan dowladda Soomaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Baxreyn ayaa tacsi u dirtay qoysaska, ehellada iyo shacabkii Soomaaliyeed ee ay ka baxeen dadkii weerarkaas ku geeriyooday.

Qoraalka ay soo saartay dowladda Baxreyn ayaa tilmaamay sida Baxreyn ay uga go’antahay in Soomaaliya ay ku barbar istaagto dagaalka ay kula jirto argagixisada iyada oo hoosta ka xarriiqday sida ay gabi ahaanba uga soo horjeeddo falalka gurraan ee ay kooxahaasi ka wadaan Soomaaliya.