Al-Shabaab oo burburiyay Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ee degaanka Mandheera.

Saraakiil la sheegay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ayaa waxay burburiyeen xarun Isgaarsiineed oo Shirkadda Safaricom ku lahayd degaanka Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Qaar ka mid ah Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegay in rag hubeysan oo ka tirsan al-Shabaab ay burburiyeen xarunta shirkadda Isgaarsiinta safaricom ee degaanka Mandheera, isla markaana ay baxsadeen.

Saraakiil Ciidan ayaa dhankooda sheegay in Shaqaalaha shirkadda wax khasaaro ah kasoo gaarin weerarka ay geysteen Al-Shabaab, isla markaana ay yihiin kuwo badqaba.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay weerareen Xarumo shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ay ku leedahay degaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari, iyaga oo burburiyay, waxaana dhanka kale jirtay in ciidanka Kenya ay iyana burburiyeen Xarumo degaannada gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ay ku leeyihiin shirkadaha Isgaarsiinta hormuud & Somtel.