Wararkii ugu dambeeyay Qarax Saraakiil ay ku le’deen oo ka dhacay Gaalkacyo iyo Alshabaab oo ka hadlay


Inta la xaqiijiyay 30 qof oo shacab iyo ciidan isugu jira ayaa ku dhintay kadib markii qof isku xiray waxyaabaha Qaraxa uu isku qarxiyay banaanka garoonka kubadda cagta Cabdullaahi Ciise ee Gaalkacyo oo ay ka socotay soo dhawaynta Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in xilliga qaraxu dhacayey ay garoonka galayeen saraakiil ciidan oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Saraakiisha la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxa ayaa waxaa ka mid ah, Taliyihii Danab ee Galmudug Gen.Mukhtaar, Taliye Ku-xigeenkii ciidanka Danab ee magaalada Gaalkacyo dhanka Galmudug Generaal Maarsho.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay duqii hore ee Gaalkacyo ee dhinaca Puntland Maxamuud Yaasiin Axmed Tumay.

Waxaa sidoo kale dhaawac culus oo soo gaaray u geeriyooday taliyahii qeybta 21-aad ee Ciidanka xooga Gen. Qooje Digaari.

Xaaladda guud ee magalaada ayaa caawa kacsan, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee qeybta Galmudug ee koofurta Gaalkacyo.

Alshabaab oo war ka soo saaray qaraxa waxa ay sheegeen in ay la bartilmaamsadeen goob uu ku wajahnaa Ra’iisul Wasaaraha islamarkaana ay ku laayeen saraakiil sare oo ka tirsan dowladda iyo maamulka Galmudug.