Itoobiya oo Lacag u balan Qaaday Cidii Keenta Xog Ku Saabsan halka ay Joogaan Madaxda TPLF.

Dowladda itoobiya ayaa maanta ku dhawaaqday in 10 malyuun oo Bir oo lacagta itoobiya ah la siinayo qofkii keena xog ku aadan halka ay joogaan madaxdii TPLF .

Lacagtan oo u dhiganta 256,132.30 oo doolarka Mareykanka ah waxaa ku dhawaaqay Let.-Gen Asrat Denero oo ah madaxa Xogta dadweynaha ee Ciidanka itoobiya.

Lacagtan ayaa la siin doonaa qof kasta oo xogtiisa ay horseedo ogaanshaha halka ay ku dhuumanyaan madaxda TPLF ayuu yiri Let.-Gen Asrat Denero oo saaxafada la hadlayay.

Inkastoo ciidanka itoobiya ay qabsadeen magaalada Mekelle ee xarunta Tigray 28 bishii November ee sanadkan hadana wali lama helin madaxdii TPLF.