Dowladda Norway oo Cafisay Qaan ay ku Lahayd Soomaaliya.

OSLO:-Xukuumadda Norway ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegayso in ay ku cafisay lacago deyn ahaa oo ay ku lahayd Soomaaliya taas oo dhan 1.8 milyan oo dollar.

Tallaabadan ayaa Soomaaliya ka caawin doonta in ay ka fududaadaan culayskii deymaha caalamiga ahaa ee luqunta u shudhnaa.

Wasiirka arrimaha dibadda Norway Eriksen Søreide ayaa sheegtay in iyada oo laga duulayo heshiis ay si wadajir ah u gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Norway in Soomaaliya looga cafinayo 16.2 milyan oo Krone.

Deyn cafinta Norway ay u samaysay Soomaaliya ayay wasiiraddu sheegtay in ay qeyb weyn ka qaadan doonto kobaca joogtada ah ee dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada.

Norway ayaa sidoo kale ballanqaadday in deymaha kalena ay ka cafin doonto Soomaaliya marka ay soo buuxiso hannaanka looga baahanyahay in ay maraan dalalka qaameysan.

Iyada oo laga duulayo sidii lagu gaari lahaa yoolka deyn cafinta dalalka ay qaantu cuslaysay ayaa Soomaaliya looga fadhiyaa in ay qaaddo tallaabooyin ay ku hagaajinayso dhaqaalaheeda si ay deyn cafin uga hesho dalalka xubnaha ka ah naadiga amaba golaha Paris.