RW Rooble oo la kulmay odoyaasha dhaqanka ee Degmada Caabudwaaq.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa degmada Caabudwaaq kulan kula yeeshay hoggaamiyaasha dhaqanka ee magaaladaasi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Ugaas Faarax,  Odayaasha dhaqanka iyo qaar ka mid ah hoggaaamiyaasha ururadabulshada.

Dhinacyadaasi waxa ay ka wadahadleen arimo ay ka mid yihiin nabadaynta,dib-u-heshiisiinta, kalsooni-dhisidda iyo gaarsiinta adeegyada dowladda ee deegaankaasi.