Qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho oo xiran.

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa maanta waxay xireen qaar ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee Magalada muqdisho, iyaga oo u diidaya Gaadiidka daweynaha iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay iyo Mooto Bajaajta inay wadooyinka qaar isticmaalaan.

Wadooyinka muhiimka ah ee maanta xiran ayaa waxaa ka mid ah qeybo kamid ah wadada MakaAlmukarama, Wadooyinka soo gala degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi iyo Wadada Isgoyska Jubba, iyada oo lagu arkayo Ciidamada Dowladda oo u diidaya isticmaalka gaadiidka kala duwan.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababaha wadooyinka loo xiray, waxaana warraka qaarkood ay sheegayaan inay jiraan banaanbaxyo mid lagu taageerayo Dowladda Soomaaliya iyo mid looga soo horjeedo, wallow wararka qaar ay sheegayaan inuu baqday banaanbixii lagu taageeri lahaa dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho aad looga dareemayay Ciidamo farabadan oo wadooyinka qaar la dhigay, waxaana talaadadii todobadkaan dhacay banaanbax looga soo horjeeday Madaxweyne farmaajo, kaas oo sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, kadib markii ay isku dhaceen Ciidamada dowladda & kuwo ilaalinayay banaanbaxayaasha.