Muuse Biixi : Dalkii ay Soomaaliya xiriirka u jarto, anaga ayaa badalayna.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo shalay dib ugu laabtay magaalada Hargeysa kadib booqasho dhawr maalmood ah oo uu ku joogay dalka Kenya ayaa ka waramay waxyaabihii uu kala soo kulmay madaxdii dowladda Kenya.

Isaga oo warfidiyeenada uga jawaabayay weeydiimo kala duwan ayuu ka warceliyay su’aal ku saabsanayd sida uu u arko hadalhaynta ku saabsan in Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay Kenya sababo la xiriira booqashada uu ugu tagay, wuxuuna yiri “Qudhayadu waxa ay inoo fureen albaab wanaagsan, albaab dhib yar oo citiraafku ku imanayo, 54-ta dowladood ee Afrikaba maalinba mid ayaan u tagaynaa, iyagana waa u jarayaan, anagana waan badeli doonaa, aniga saas baan u arkaa”.

Madaxweyne Muuse ayaa sheegay in ay tahay markii koowaad oo ay heshiis rasmi ah la galaan Kenya, islamarkaasna war murtiyeed lagu soo saaray waxyaabaha lagu heshiiyay, isaga oo taas ku tilmaamay guul weyn.

Qaadka

Kenya ayuu sheegay in ay tahay dalka sedexaad ee Afrika ugu dhaqaalaha Badan, muhiimna ay tahay in ay ganacsi is weeydaarsadaan.

Wuxuu sheegay in qaadka miirooga ee Kenya uu ka dego Somaliland, balse wuxuu is weeydiiyay badeecada ay Somaliland u dhoofin karto Kenya, wuxuuna si kaftan ah u yiri “Anaga maxaan geyneynaa, ma kaftan, ma hadal, ma gabayadii hore?”.

Icitiraafka

Dadweyne fara badan oo dariiqyada kusoo dhoweeyay madaxweyne Muuse

Madaxweyne Muuse ayaa sheegay in uusan warbaahinta la wadaagaynin waxyaabaha isaga iyo Kenya ay ka wada hadleen ee ku saabsan arrimaha citiraafka Somaliland, balse wuxuu qirey in hadal kasta ay ka bilaabaan sababta Somaliland loo aqoonsan waayay.

“Hadalka haddii aanan laga bilaabin citiraafka, waa quraan aan bisinka laga bilaabin” ayuu yiri Muuse Biixi.

Balse isaga oo hadalka sii watay ayuu u muuqday in uu wax kasta ka jeclaan lahaa in Soomaaliya lala heshiiyo marka hore “Haddii Soomaaliya iyo Somaliland ay heshiiyaan, qolooyinka kale oo dhan meesha waa ay ka saari karaan, maxaad u qaadan weysay taas”.

Xigasho:BBCSomali