Midoowga Musharixiinta : Ciidamo ayaa nala dul dhigay.

Waraaq kasoo baxday Midoowga Musharixiinta Madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamo la dul dhigay xarumaha qaar ka mid ah musharixiinta, waxayna musharixiinta cambaareeyeen falkaas.

Inkasta oo aysan sheegin kuwa ay yihiin musharixiinta ciidamada la dul dhigay iyo waliba faahfaahin la xiriirta qaabka ciidanka loo dul dhigay, ayay haddane warka ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in waxa ka dhasha uu mas’uuliyadda wixii ka dhasha falka.

Qaar ka mid ah musharixiinta ayaa dhowaan sheegay in ay ka qeybgalayaan banaanbaxyo lagu dalbanayo in doorasho xalaal ah ay ka dhacdo dalka.

Illo madaxbanaan oo ay BBC-du la hadashay ayaa sheegay in goobaha ciidamada la geeyay ay ka mid tahay aagga Kiilo Mitir Afar iyo xaafadaha u dhow Hotel Jazeera, halkaas oo ay degenyihiin qaar ka mid ah musharixiinta ugu cadcad.

Warqadda musharixiinta

Dadka Muqdisho ayaa saakay kusoo toosay ciidamo tiro bada oo dhooban waddooyinka, kuwaas oo is hor taagay isu socodka gaadiidka iyo dadka magaalada.

Majiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda, balse warbaahinta maxaliga ah ayaa ku waramaysa in ciidanka looga gol leeyahay in lagu hor istaago banaanbaxyada ay ku baaqeen musharixiinta madaxtinimo.