Mareykanka:Dhakhaatiirta Soomaalida oo ku baaqday in la qaato tallaalka cusub ee Covid 19.

Ololaha tallaalka cusub ee ka hortagga xanuunka Covid 19 ayaa si rasmi ah uga bilowday deegaanada uu ka kooban yahay Gobolka Minnesota  oo ay ku nool yihiin dad aad u fara badan oo Soomaali ah oo dalka Mareykanka gaaray wixii ka dambeeyay sagaashameeyadii.

Gudoomiyaha Ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika Dr. Aadan Rooble,ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyed ee ku nool Gobolka Minnesota in ay qaataan tallaalka,isla markaana ay la socdaan talada ay bixinayaan bahda caafimaadka & dhakhaatiirta Soomaalida.
Inta badan dadka ku dhaqan Gobolka Minnesota oo ay ku jiraan bulshada Soomaalida  ayaa u dareeray goobaha laga bixinayo tallaalka cusub ee ka hortagga Xanuunka Covid-19 oo si rasmi ah uga  bilowday deegaanada Gobolkaasi oo ka tirsan dalka Mareykanka,.

Wakiilka Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Wariye Cabdixakiim Cabdi Ismaaciill,ayaa soo sheegay in dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Minnesota ay soo dhoweeyeen dadaalka bahda dhaqaatiirta ee looga hortagayo cudurka Covid 19,ayna diyaar u yihiin qaadashada tallaalka cusub.