Gabdhaha ku jira Aqalka sare oo xaflad sagootin ah u sameeyay madaxda haweenka ee Dowlad Goboleedyada.

Kulankaan ayaa waxa uu ahaa mid lagu sagootinayo xubnaha wasiirada haweenka iyo ururada haweenka Dowlad goboleedyada xubinta ka ah DFS ee dhowaan ka qayb galayay shirweynihii haweenka soomaaliyeed ee meelmarinta qoondada haweenka ee dhinaca doorashooyinka.

kulanka waxaa  soo diyaariyay gabdhaha Senatarada golaha aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka soomaaliya waxaana ka soo qayb galay wasiirka wasaarada haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha XFS xaniifa maxamed ibraahin xaabsade  iyo wasiir ku xigeenka  wasaarada haweenka Xiis Xasan xubnaha haweenka labada aqal baarlamaanka iyo mas,uuliyiin ka socday maamulka Gobolka Banaadir

Faadumo Cabdi Faandhe gudoomiye ku xigeenka 2aad baarlamaanka galmudug ayaa ka warbisay kulanka iyadoo u mahadcelisay gabdhaha senatarada golaha aqalka sare ee baarlamaanka ee kulanka soo qaban qaabiyay waxayna dhinaca kale u mahadcelisay  wasaarada haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha XFS oo Shirweynihii haweenka soomaaliyeed ku casuumay .

wasiirka wasaarada hawenka iyo horumarinta xuquqda aadanaha XFS xaniifa maxamed ibraahin xabsade  iyo wasiir ku xigeenka  wasaarada haweenka Xiis Xasan ayaa ka hadlay xafladdaasi sagootinta ah.

Qeybaha Haweenkii ee ka kala yimid Dowlad goboleedyada ayaa waxa ay wasaarada haweenka soomaaliya gudoonsiiyeen abbaalmarinno qiimo leh