Sheekh Shariif “Waxaan ka digaynaa sii-socoshada falalka lagu handadayo cid kasta oo aan ku aragti aheyn madaxda dalka…”

Madaxweyanihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Bartiisa Facebook ku soo daabacay Qoraal uu uga hadlayo Banaanbaxyadii shalay ka dhacay Muqdisho.


Sida ku cad Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan qodobbada 13aad – 20aad ee Xorriyaadka Ra’yiga, Cabashada, Bannaanbaxyada iyo Nabadgelyada Qofnimo, waxaa muwaadiniinta loo dammaanad-qaaday in ay dareenkooda si nabdoon u soo bandhigi karaan, iyagoo helaya ilaalin xorriyadooda iyo amnigoodaba ku saabsan.

Sidaa darteed, waxaan ka xunnahay oo aan si adag u cambaareyneynaa falkii ciidanka amnigu rasaasta ugu isticmaaleen shacab dhigayay bannaanbax nabadeed oo ay ku muujinayeen dareenkooda.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan mar kale uga digaynaa tallaabooyinka aan laga fiirsan ee ay qaadayaan, taasoo xadgudub ku ah shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga.

Marna qiil loo ma heli karo, la mana aqbali karo in xabbad lagala hortago muwaaddiniintii ay ahayd in amnigooda la sugo.

Waxaan saraakiisha laamaha amniga ugu baaqeynaa inay mas’uuliyad iska saaraan ilaalinta shacabka ay u dhaarteen difaacooda, oo aanay ku kadsoomin rabitaanka shaqsiyaad dana gaara leh, waana inay [saraakiisha iyo ciidamadu] maanka ku hayaan waxa loo tababbaray oo juhdi loo galiyay inay tahay ilaalinta iyo difaacista shacabiga Soomaaliyeed oo canshuurta laga qaado lagu bixiyo mushaaraadkooda.

Shacbiga Soomaaliyeed waxaan kaga tacsiyeynaynaa dhibaatadii ka soo gaartay ishortaaggii dowladdu ku sameeysey bannaanbaxoodii nabadeed.

Waxaan xusuusinaynaa madaxda waqtigu kasii dhammaanayo inay mas’uuliyad muujiyaan oo ay u turaan shacbiga, annagoo ku baaqayna in si shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan muwaadiniinta loo xirxirey kaliya inay ka ra’yi duwan yihiin.

Ugu dambeyn, waxaan ka digaynaa sii-socoshada falalka lagu handadayo cid kasta oo aan ku aragti aheyn madaxda dalka.