Midowga Musharixinta oo la filayo inay dhawaan la kulmaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Maalmaha soo socda ayaa waxa la filayaa in Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ay kulan ku yeeshaan Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Kulanka ayaa xogaha la helay waxay sheegayaan in looga hadli doono Arrimaha Foorashooyinka 2021-ka, oo ay hadda dhinacyadu isku hayaan, wuxuuna qabsoomayaa kahor Shirka DFS iyo Dwoald Gobaleedyada ee Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa haatan ku sugan Magaalada Nairobi oo todobaad ka hor uu ku tegay safar aan horay loo sii shaacin, halka Madaxweynaha Puntland la filayo inuu dhawaan tago Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulanka dhinacyada ayaa waxaa qeyb ka noqon doono Xubnaha ay u doorteen guddoonka Musharixiinta Madaxweynaha,halka warar kale ay sheegayaan in Xubno ka socda Somaliland ay shirka ka qeyb-geli doonaan, waxaana ay aad u falan doonaan doorashooyinka lagu muransan yahay iyo waxyaabaha la gudboon dhinacooda.

Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Somaaliya ayaa shirar dhowr ah waxaa uu uga qabsoomay Magaalada Muqdisho, iyaga oo kasoo saaray qodobo ay ku dhliilsan yihiin Madaxda Dowladda Soomaaliya ee la xiriira Arrimaha doorashooyinka.

Dhanka kale kulanka Nairobi uga qabsoomaya  Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa wuxuu ku soo aadayaa xilli uu xoogeystay khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaliya iyo Kenya, isla markaana dowladda Soomaaliya ay xiriirka u jartay Kenya.