Doorashada Soomaaliya: Xalku waa guurti dhexdhexaad ah iyo hab-raac loo siman yahay.

Kulankii beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya ee ka dhacay Muqdisho maalintii Isniinta ee 07/12/2020 waxaa culeyska ugu weyn lagu saaray hawlaha la xiriira doorashooyinka dadban ee lagu muransan yahay ee 2020.

Diblumaasiyiinta ka qeyb-gashay kulankaa waxay ku celceliyeen in la fuliyo heshiiskii ay madaxda dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu gaareen bishii Septmber 17, 2020. Sidoo kale, wakiilladii ka socday beesha caalamku waxay ku canaanteen madaxda iyo mucaaradka Soomaalida in doorashada dadban ay waqtigii loogu talagalay dhacdo, islamarkaasna mucaaradku aysan nidaamka ka bixin oo aysan nidaam kale samayn.

Runtii, waa ayaan darro weyn in iyadoo laga heshiiyey mabaadidii, haddana guddiyada garsooraya iyo hab-raacyada lagu hirgelinayo lagu kala tegay.

Maxaa la isku hayaa?

Dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyadu waxay saxiixeen heshiis ka kooban 15 qodob. Inta badan, qodobbada heshiisku waa waxyaalo mabaadi’ ah.madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada

Tan ugu muhiimsan waa in la isla gartay in doorasho dadban oo la mid ah middii dhacday 2016 la aado. Waxa kaliya oo ay uga duwan tahay doorashadani tii kal hore waa in lagu heshiiyey in magaalo labaad lagu kordhiyo, ergada dooranaysa xildhibaan kastana la gaarsiiyo 101.

Haddaba, waxaa soo if-baxay shan qodob oo la isku-maandhaafsan yahay. Waxayna kala yihiin magacaabista guddiyada garsooraya doorashada, magaalada labaad, qoondada haweenka, nidaamka loo marayo doorashada xubnaha Soomaalilaand, iyo habka loo soo xulayo ergada dooranaysa xidhibaannada Aqalka Hoose.

Kow: Madaxda dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu waxay sameysteen hab-raacyo aan dhameystirneyn, islamarkaasna waxay isku dayeen inay hirgeliyaan heshiiska ay gaareen.

Waxay soo magacaabeen guddiyo doorasho iyo kuwa xallinta khilaafaadka doorashada. Madaxda dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu waxay soo magacaabeen shaqaalahooda, saaxiibadood iyo qaraabadooda. Waxayna ku sababeeyeen in madaxdii joogtay 2016 ay sidaas oo kale yeeleen. Sidaas darteedna ay iyagana u bannaan tahay inay taageerayaashoodu garsooraan doorashada dadban ee 2020.

Taasi waxay keentay in kalsoonida oo awalba yareyd ay sii dhimato. Mucaaradku waxay kaga jawaabeen inay iyaguna cirka ku sii shareeraan mushkilada. Waxay sameeyaan guddi u gaar ah, waxayna ku hanjabeen inay nidaamka oo idilba ka baxayaan oo ay samaynayaan mid kale oo barbar-socda kan dowladdu hoggaaminayso.

Labo: heshiiska doorashada dadban wuxuu dhigayaa in maamul-goboleed kasta uu laba magaalo ku qabto doorashada dadban. Madaxda dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu waxay hab-raacyada qabyada ah ku sheegeen in loo asteeyey inay magaaalooyinka labaad noqdaan Garbahaarreey, Baraawe, Beledweyne, Gaalkacyo iyo Boosaaso.

Madaxdii ka qeybgashay shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliye ee Muqdisho lagu qabtay bilowgii bishan December

Haddaba waxaa soo baxay duruufo siyaasi ah, kuwa ah amni iyo kuwa farsamo ah oo ku xeeran sidii doorashada loogu qaban lahaa magaalada labaad. Madaxweynaha Jubbaland wuxuu ku dooday inuusan maamulin gobolka Gedo intiisa badan. Wuxuuna codsaday in lagu soo wareejiyo gobolka Gedo maamulkiisa inta aysan doorasho ku qaban. Sidoo kale, waxaa soo baxay warar aan la xaqiijin oo sheegaya in maamulka Jubbaland iyagoo kaashanaya ciidamada Kenya ee jooga gobolka ay doonayaan inay magaalada Ceelwaaq u wareejiyaan doorashada.

Dowladda dhexe waa diidday arrinkaas. Welina waa ay taagan tahay mushkiladdaasi. Dhanka kale, waxaa su’aal la galinayaa tabarta ay dowlad-goboleedyadu u leeyihiin inay ku qaban karaan doorasho magaalo labaad. Taa waxaa wehliya xaaladda siyaasadeed ee kacsan ee ka taagan magaalooyinkaas ka sokow, helitaanka dhaqaalaha iyo ciidanka amniga ee looga baahan yahay si magaalooyinkan loogu qabto doorasho.

Saddex: heshiiska doorashadu wuxuu siinayaa awoodda soo xulista ergada dooranaysa xidhibaanka odey-dhaqameedka, bulshada rayadka iyo dowlad-goboleedka. Dad badani waxay u fahmeen qodobkaan in madaxdu ay doonayaan inay ku boobaan doorashada.

Waxaa la is-weydiinayaa haddiiba uu qabiil leeyahay kursiga maxaa dowlad-goboleed uu siyaasi hoggaamiyo iyo bulsho rayad ka galay ergada? Taas waxaa dheer inay jiraan odoyaal-dhaqameed ay siyaasiyiintu sameeyeen iyo musuq-maasuq badan. Waxaa kale oo jira kuwa meel ugu xareysan madaxda.

Baarlamaanka Soomaaliya

Haddana sidaa oo ay tahay, doorashooyinkii dadbanaa sanadihii 2000, 2004, 2012 iyo 2016 waxaa awoodda soo magacaabista xildhibaanka ama soo xulista ergada la siiyey odey-dhaqameedka. Waxaase xaqiiqo ah in laga bartay doorashooyinkii dadbanaa ee 2016 iyo kuwii ka danbeeyey ee gobollada ka dhacay dhaqan xun oo uu qof musharrax ah qoranayo odey-dhaqameed, ergo uu isagu leeyahay, dabadeedna uu keensanyo malxiis la tartama.

Afar: heshiiska doorashada ee baarlamaanku ansixiyey wuxuu kaga hadlayaa doorashada xildhibaannada Soomaalilaand laba qodob. Labadaa qodob waxay sheegayaan in doorashadu ka dhacdo Muqdisho iyo in ergo wadajir ah ay doortaan xubnaha aqalka sare.

Heshiisku kama hadlayo sida guddiyada garsooraya doorashada Soomaaliland lagu soo xulayo. Ha yeeshee, waxaa jira qodobbo ku jira hab-raacyada ay dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu isku raaceen oo awoodda magacaabista guddiyada siinaya xukuumadda. Waxaa go’aanka ka horyimid siyaasiyiin u hoggaaminayo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Waxay siyaasiyiintani ku doodayaan waa in uu Cabdi Xaashi magacaabo guddiga maaddaaama uu isagu yahay Guddoomiyaha Aqalka Sare. Waxaa sii fogeeyey arrinkan markii murashixiinta madaxnimada raadinaya ay ku baaqeen in teendhada Afisyooni lagu qabto doorashada xubnaha Soomaalilaand ee labada aqal.

Shan: Ugu danbeyntii, heshiiska doorashada dadban wuxuu qorayaa ilaalinta qoondada haweenka oo ah 30% xildhibaannada. Waxaa la yaab leh inaan illaa iyo hadda aysan madaxda dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyaduba sheegin hannaanka loo marayo ilaalinta qoondada haweenka. Mar waxaa la soo jeediyey in kuraasta ay hadda gabdhuhu heystaan loo gooyo oo ay iyagu ku tartamaan.

Haddiiba sidaa la yeelo gabdhuhu waxay yeelanayaan 24%. Weli waxaa ka maqnaanaya 6%. Waxaase jirta in madaxda dowladda dhexe iyo kuwa gobolladu ay qoondada haweenka u adeegsadaan hab siyaasadeed oo ay kula dirirayaan qolyaha ka soo horjeeda. Si kastaba ha ahaatee, weli lama oga hab-raaca lagu ilaalinayo qoondada haweenka.

Maxaa Lagu Xallin Karaa Khilaafka?

Waxaan rumeysanahay in waxa la isku hayo ay yihiin wax aad u sahlan, islamarkaasna heshiis degdeg ah laga gaari karo. Waase haddii ay madaxdu xal-doon yihiin. Waxaan qabaa inay madaxda dowladda dhexe iyo kuwa gobolladu dib ula noqdaan guddiyada ay magacaabeen, islamarkaasna ay la yimaadaan dad caddaalad iyo dhexdhexaadnimo laga dugsanyo.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu xilka kala wareegay madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud oo hal xilli hayay xilka.

Waxaa jira dad badan oo culumo iyo bulsho rayad leh oo u garsoori kara dadka ku tartamaya kuraasta. Waxaa habboon in kursi kasta uu tartan ka dhaco oo aysan noqon murashax wata odeygiisa, ergadiisa iyo manxiiskiisa.

Waxaan qabaa in la samayn karo arrinkan. Sidoo kale, maaddaama ay tabartu yar tahay, waqtiguna gaaban yahay, waxay u muuqataa inay lama-huraan noqon doonto in doorashada dadban ee 2020 ay ka dhacdo maamul-goboleed kasta hal magaalo.

Waxaa ila quman in heshiis siyaasadeed ay gaaraan siyaasiyiinta ka soo jeeda Soomaalilaand. Mar haddiiba ay qasab tahay in la baadi-goobo dad dhex-dhexaad u noqon kara dadka ku tartamaya xilalka, waxaa habboon in garabyada iska-soo horjeedaa ay ka heshiiyaan hab-raacyada iyo cidda u garsooreysa. Waa joogaan wax-garad ka garnaqi kara arrinka.

Ma qabo in xukuumadda ama guddoomiyaha Aqalka Sare midkoodna uu go’aan si gaar ah uga gaaro. Taasi waxay noqoneysaa ku-shubasho. Dhanka kale, qoondada haweenka waxaan ku talinayaa in madaxda dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyadu ay soo bandhigaan waddada loo marayo.

Waxaan rajeynayaa inaan siyaasad ahaan la iskugu adeegsan oo si wanaagsan looga baaraan-dego. Marka ay timaaddo soo xulista ergada, waxaan ku talinayaa in qabiilka iyo odeygiisa la isku daayo oo laga saaro doorka bulshada rayadka iyo dowlad-goboleedka soo xulista ergada. Dabcan, waan fahamsanahay in xaalka oday-dhaqameedyo badan uu yahay Allow-sahal. Way fiicnaan lahayd in dadweynuhu ay dooranayaan dadka matala. Laakiin maanta halkaas ma joogno.1px transparent line

Ugu dambeyntii, waxaan rajeynayaa in aan mar kale loo baahan canaanta Beesha caalamka iyo tusaalooyinka quursiga ah ee diblumaasiyiinta. Fiicnaan lahaydaa in madaxda Soomaalidu gartaaan inuusan harin waqti la isku dhibo ama lagu ficiltamo.

Marka la soo koobo, waxa la isku hayaa waa sameynta hab-raacyo (process) loo siman yahay iyo magacaabista guddiyo dhexdhexaad ah oo u garsoora kooxaha tartamaya. Haddii intaas la sameyn waayo sidee la rabaa in lagu maamulo doorasho ay dadka oo dhan codeynayaan? Waxaan ku dhiirrigelinayaa inay xusuustaan madaxda Soomaalidu dhibaatooyinkii ka dhashay doorasho lagu takri-falay iyo dimoqraadiyad la dumiyey halka ay gaarsiiyeen dalka iyo dadka.

Sida dhacday hadda ka hor, waa inaysan madaxdu khilaaf siyaasadeed ku xallin xoog aysan lahayn iyo qasab. Waana inaysan madaxda dowladdu u adeegsan ololahooda doorashada hey’adaha amniga, garsoorka iyo dhaqaalaha dalka waayo taasi waxay dhaawici doontaa sharciyadda hey’adahaas. Sidoo kale, waa inay mucaaradku joojiyaan kicinta xamaasad dadka. Xalku waa dhaw yahay ee yaan la fogeyn. WAR HOOY KA JOOGA.

Dr Afyare Cabdi Cilmi waa bare sare oo ka tirsan Jaamacadda Qatar, oo wax badan ka qoray doorashooyinka Soomaaliya. Faalladan waa aragtida qoraaga kamana turjumeyso aragtida BBC Somali.