Madaxweyne Ramaphosa oo xayiraad cusub soo rogay Xaaladda COVID 19-ka aawgiis

Xilli South Africa ay cagta saartay Wajiga 2aad ee COVID19, ayaa Madaxweyne Cyril Ramaphosa, wuxuu jeediyey khudbad xasaasi ah oo aad loo wada sugayey, isagoo sii adkeeyey Xayiraadaha LEVEL1 maadaama cudurku sii laba jibaarmay, wuxuuna sheegay Tallaabooyinka ay Dowladdiisu qaadayso.


NUXURKA KHUDBADDIISA

● In Afar Gobal ay yihiin kuwa ugu daran (Hotspot) Western Cape, Eastern Cape, Northern Cape iyo KwaZulu-Natal.

● Inay waajib sharci ah tahay xirashada Afgashiga Mask, Qofkaan wadana uu ciqaab adag wajihi doono, islamarkaana ay Ciidamada Law Enforcement awood u adeegsan doonaan (Xarig ama Ganaax)

● Qof aan Mask wadan gaari ma raaci karo, (Guryaha ama Hoteelada ma Gali Karo) Qofaan Mask wadan lama caawin doono waxna lagama iibin karo.

● In Isku imaatinka Dadka sida Goobaha Diimaha aan la ogoleyn in ka badan 100 Qof (Gudaha ah) iyo 250 Qof oo Barxadaha la isugu soo baxo ah, taasoo meesha ka saartay Dabaaldegyadii Christmas-ka & Sanadka cusub Happy New Year.

● Waxa uu soo dhimay Bandowga Habeenkii ah oo ka bilaabanaya Caawa Waqtiga Waa laga bilaabo 11:00pm ilaa 4:00am.

● Goobaha Wax Laga Cuno waa inay xirnaadaan 10:00pm – 4:00am, Halka Baararka lagu Caweeyo iyo iibinta Qamriga la xakameeyey (from 9:00am ilaa 6:00pm)

● Xeebaha Gobolka KZN waa la xiri doonaa Maalmahaan 16, 25, 26 iyo 31 Dec

● Xeebaha Western Cape, ayaa si taxadar leh u furnaan doona oo la fasaxay, maadaama Gobalkan yahay kan Dalxiisayaasha ugu badan ay yimaadaan.

WD: Abdulrazak IndhaJaceyl