Ciidamada Dowladda oo hawlgallo amni sugid ah ka sameeyay gobolka Gedo.

Muqdisho:-Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada dawladda Soomaaliya ay hawlgallo ka fuliyeen degmooyin iyo tuulooyin hoostaga gobolkaasi.

Hawlgalladan oo ahaa kuwo qorshaysan, ayaa ciidamada dawladda Soomaaliya waxay sheegeen inay si gaar ah uga fuliyeen degmooyin iyo tuulooyin hoostaga degmada Luuq ee gobol Gedo.

Deegaannada Hanooy,Duuraay,Dooryaanley iyo Maganeey iyo tuulooyin kale ayaa ka mid ah meelaha ay ka dhaceen hawlgalladan gaarka .

Mukhtaar Maxamed Xasan oo ah Taliyaha Ciidamada Nabadsugidda ee degmada Luuq ayaa warbaahinta uga warbixiyay hawlgallada, isagoo sheegay inuu ahaa mid amniga degmada Luuq iyo deegaannada ku xeeran lagu sugayo.

Dhanka kale wuxuu sheegay in hawlaglladu sii ahaan doonaan kuwa sii socon doona, inta Al-Shabaab ay ka saarayaan gobolka Gedo.