Banaanbaxyo iska soo horjeeda oo laga cabsi qabo inay ka dhacaaan maanta Muqdisho iyo Wadooyinka oo ciidamo Xireen.

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa maanta waxay xireen qaar ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee Magalada muqdisho, iyaga oo u diidaya Gaadiidka daweynaha iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay iyo Mooto Bajaajta inay wadooyinka qaar isticmaalaan.

Wadooyinka muhiimka ah ee Maanta xiran ayaa waxaa ka mid ah qeybo ka mid ah wadada Maka-Almukarama, Wadooyinka soo gala degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi iyo Wadada Isgoyska Jubba, iyada oo lagu arkayo Ciidamada Dowladda oo u diidaya isticmaalka gaadiidka kala duwan.

Sababaha maanta loo xiray wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in laga cabsi qabo in maanta banaanbaxyo iska soo horjeedda ay ka dhacaan Muqdisho.

Banaanbax lagu taageerayo dowladda Soomaaliya ayaa abaabulkiisa wuxuu ka socda Muqdisho, iyadoo saakay la arkayay haween isku soo baxay wadooyinka qaar ee Muqdisho.

Dhanka kale warar aan la xaqiijin ayaa sidoo kale tilmaamaya in maanta musharaxiinta Mucaaraadka ah ay abaabulayaan banaanbax ka dhan dowladda Soomaaliya.