Banaanbax ka dhan ah dowladda oo Xaafado ka mid ah Muqdisho ka socda iyo Cabsi jirta.

Banaanbax looga soo horjeedo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka bilowday Xaafado ka mid ah degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan iyo gobolka Banaadir.

Dadka banaanbaxaya ayaa ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sheegeen in uu doonaayo doorasho boob ah.

Ciidamo hubeysan ayaa la sheegay inay ilaalinayaan dadka soo banaanbaxay, waxaana jira khasaare ka dhashay banaanbaxa.

Waqooyiga magaalada Muqdisho waxaa ka socda isku dhacyo ciidan waxaana la sheegayaa inuu jiro dhimasho iyo dhaawac, iyadoo deegaanka Fagax ay ka dhacday Rasaas xooggan.

Dhanka kale Fagax waxaa ku dagaalamaya Ciidan Boolis ah iyo Ciidan kale oo Milateri ah waxaana la sheegayaa ilaa Saldhigga Yaaqshiid uu gaaray isku dhaca labada ciidan, waxaana halkaasi isaga soo tagay Ciidamadii taageerayay Dowladda oo halkaasi laga soo eryay.