Baaritaan la xiriiro, Nolosha Haweenka Danyarta ah iyo kuwa Agoonta ku korsado Ganacsiyo yar yar.

Xalay waxaan diyaariyay Qabyo-Qoraal iyo Sawiro Maqaal aan rabay in aan Caawa qoro.
Maqaalku waxa uu ku saabsanaa Baaritaan la xiriiro, Nolosha Haweenka Danyarta ah iyo kuwa Agoonta ku korsado Ganacsiyo yar yar.
Sababta aan u hakiyay!…..Galabta Aniga oo deg degsan oo Xaafadeeyda u socdo oo marayo meel u dhaw ” City Mall” Deg. Xamarweyne, ayaa waxaa kor iga salaamay Wariye: Shiikhaaloow, waan ka qaaday waana iska gudbay. wax yar kadib ayuu ii yeeray, waan soo noqday. waxa uu igu yiri:Ixsaan yar ii sameey, fiiri Haweeneyda Halkaa fadhido ee Lowska yar iibineyso, Qof ayaa Maalin isga oo Halkaan marayo Sawir ka qaaday.waxa uuna dhigay Baraha Bulshada, isaga oo leh, Xatta hadaadan u baahneyn wax ka iibso si aad u caawiso Ganacsigeeda. Dad ayaa Akhristay, kadibna waxa ey u soo direen 182 Dollar Aniga ayeeyna ii soo wakiisheen, waxaan rabaa in aad Adigu Gacantaada ku siiso, si ey u ogaadaan in aan siiyay, inkasta oo ey igu kalsoonyihiin.
waan ka ogolaaday, Sawirkeeda ayaaba ka mid ah Qabyo-qoraalkii aan xalay diyaarsaday, ( F.S: 1aad). kadibna Lacagtii looga soo dhiibay UK ee uu soo gaarsiisay Shiikhaaloow ,Nin la yiraa, Aweys Cumar Geedi ayaan ku wareejiyay Marwo: Khadijo Maxamed Axmed oo Boondheere degan Mob.No.0612 597 920 Haweeneydaa oo dakhilga yar oo ey ka hesho Lowska ku koriso 8 Caruur ah, aad ayeeyna ugu faraxday ( F.S: 2-4). Kadibna Aniga oo Fulinayo Cosigii Qofkii sawirkii hore ka qaaday ee ahaa: Xattaa, Haddaadan u baahneyn ka iibso Lowska. ayaan ka iibsaday Halkii Lows ee ugu dambeeyay oo qiimahiisu ahaa 2000 Sh.So. ( F.S:5 & 6aad).
Markii aan Lacagta siineynay waxaa noo yimid Saddax haween ah oo Caruur wato oo tuugsanayo. Shiikhaaloow ayaa ku yiri: Khadijo haddii aad Doonto wax ka sii sadaqeyso, Hadda adigaa wax heeystee.
kadibna Waqtigii Maqribka oo dhawaa waxaan sii watay Socodkeygii.
Haweenka Somalida ee Danyarta ah, waxa ey saameeyaan Ganacsiyo yar yar si ey Ubadkooda u korsadaan ( F.S: 7-20)
Waxaan hambalyo iyo Duco u dirayaa Qofkii ugu horeyay ee Sawirka qaaday, kii dhigay Baraha Bulshada, Kuwii Lacagta u soo diray khadijo iyo Wariye Shiikhaaloow oo si kadis ah iigu yeeray iguna Sharfay in aan Deeqdaa wareejiyo.
Somaliyeey, Aan is gargaarno, Aduun iyo Aakhiro kala badane.
Qore: Yahya Amir.