Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo la kulmay Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub.

MUQDISHO:-Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka tirsan howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa ujeedkiisu waxaa uu ahaa sidii loo xoojin lahaa wadda shaqeynta howlgalka Midowga Yurub ee (EUCAP) iyo xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Is xog-wareysi kadib ku simaha lataliyaha howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Dr. Fabian Loewenberg, ayaa ballan qaaday inay kala qayb qaadan doonan hirgalinta istiraatijiyadda 2010-2023, ee Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka