Ururka Al-Shabaab oo sheegtay inay gacanta ku dhigeen Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo Kenyan ah.

Maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerareen Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Booliska Kenya, kaas oo ku yaalla Gobolka Gaarisa.

Saldhigga la weeraray ayaa wuxuu ku yaallaa deegaanka Sedax Goose oo hoostaga degmada Lafeey, waxaana Al-Shabaab ay sheegteen inay la wareegeen degaankaas.

Warar lagu daabacay Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka kadib Ciidamada booliska Kenya ay isaga baxeen degaanka Sedax Goose, isla markaana sinabad ah ay kula wareegeen Al-Shabaab.

7-dii Bishan ayay aheyd markii markii Al-Shabaab ay weerareen Bas ay saarnaayeen dad rayid ah oo ka baxay Magaalada Mandheera kuna sii jeeday Magaalada Nairobi, weerarkaas oo uu ka dhashay khasaaro dhaawac ah.

Dhanka kale weerarkaan ka dhacay Gobolka Gaarisa ee dalka Kenya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay booliska Kenya ay sheegeen in ay Kenya galeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, iyaga oo Bulshada ugu baaqay inay ka feejignaadaana weeraro ay fulin karaan Al-Shabaab.