Maxaa ka soo Baxay Kulankii ay yeesheen Biixi iyo Kenyatta?

NAYROOBI:-Hoggaamiyaha maamuulka Soomaalilaan, Muuse Biixi Cabdi oo booqoasho ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

War qoraal ah oo maanta ka soo baxay madaxtooyada Kenya ayaa lagu sheegay in wafdiga Soomaalilaan ay wadahadal la yeesheen masuuliyiinta Kenya.

Labada hoggaamiye ayaa kulankooda ku lafaguray arrimo muhim ah oo ay wadaagaan Kenya iyo Soomaalilaan.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay mar labaad kulmi doonaan Talaadada berri ah si ay u soo gunaanadaan wadahadalladooda.

Kenya wax joogitaan diblomaasiyadeed ah kuma laha Soomaalilaan hase yeeshee waxay dareensantahay muhimadda xasilloonida siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee gobolka.

Sidoo kale Kenya ayaa xiiseynaysa xoojinta iyo ballaarinta ganacsiga badeecadaha iyo adeegyada taasi oo ay sii dheertahay maalgashiga oo xuddun u ah iskaashiga iyo koboca dhaqaalaha ee gobolka.

Booqashada Muusa Biixi waxay ku soo aadeysaa xilli uu aad u sii xumaanayo xiriirka ka dhexeeya Kenya iyo dowladda Soomaaliya.

Dabayaaqadii bishii November war qoraal ahaa oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in safiirkii u fadhiyay Nairobi looga yeeray Muqdisho, halka midkii Kenya ee Soomaaliya na lagu amray in uu dalkiisa dib ugu noqdo si uu wadatashi ula soo yeesho dowladdiisa.

Arrintan ayay dowladda Soomaaliya ku macnaysay mid ay kaga jawaabeysay faragelin ay Kenya ku samaysay arrimaha gudaha Soomaliya.

Kenya ayaa beenisay in faragelin ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

War qoraal ah oo wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ay soo saartay ayaa lagu sheegan in dowladdooda aysan weli helin warqad rasmi ah oo cabashada Soomaaliya ku saabsan.

Kenya ayaa sheegtay in hadalka ay ka maqashay warbaahinta oo keli ah.

Soomaaliya iyo Kenya waxaa horay u dhex yaallay muran badeed haatan ay kiiskiisu gacanta ku hayso maxakmadda caalamiga ah.

Kenya ayaa sidoo kale ay Soomaaliya ka joogaan ciidamo qeyb ka ah kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.