Mareykanka oo Suudaan ka saaray Liiska Dalalka Taageera Argagixisada.

KHARTOUM:-Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Dalka Suudaan ay ka saartay liiska dalalka taageera argagixisada.

Arrintan oo muddo loo dheg-taagay waxaa shaacisay safaaradda Maraykanka ee Khartoum.

“Waxaa soo idlaaday xilligii wargelinta Kongareeska oo ahayd 45 cisho, wasiirka arrimaha dibadduna waxa uu qalinka ku duugay go’aan sheegaya in laga billaabo 14-ka Diseembar dalka Suudaan laga saaray liiska dalalka taageera argagixisada” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu faafiyay barta ay safaaraddu ku leedahay aaladda Facebook.

Madaxweyne Trump ayaa Oktoobartii hore sheegay in Suudaan ay ka saari doonaan liiska kaddib markii ay bixiyeen magdhow lacageed oo dhan 335 milyan oo dollar oo la siinayo qoysaska dadkii ku dhintay weerarradii 1998-kii lagu qaaday safaaradaha Mareykanka ee Nairobi iyo Dar salaam.

Mareykan ayaa sanadkii 1993-kii Suudaan ku daray liiska dalalka gabbaadka siiya argagixsada taas oo ay ku muteysatay in dalkeeda ay ku martigelisay hoggaamiyihii hore ee ururka Alqaacida Usaama Bin Laadin.