Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo la Kulmaya Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

NAIROBI:-Hoggaamiyaha maamulka Soomaalilaan Muuse Biixi Cabdi oo booqasho ku tagay dalka Kenya ayaa lagu wadaa in maanta uu la kulmo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Sida lagu qoray bogga Twitter-ka ee wasaaradda Arrimaha dibadda ee dowladda Kenya, Biixi ayaa Isniinta maanta ah la kulmi doona madaxweynaha Kenya.

Ababu Namwamba oo ah xubin sare oo ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo soo dhoweeyay Madaxweyne Biixi ayaa yiri: “Mudane Muuse Cabdi wuxuu Isniinta wadahadal la yeelan doonaa Mudane madaxweyne Uhuru Kenyatta. Waxay ka wadahadli doonaan danaha ay wadaagaan”, ayuu ku qoray bartiisa twitterka.

Booqashada Muusa Biixi waxay ku soo aadeysaa xilli uu aad u sii xumaanayo xiriirka ka dhexeeya Kenya iyo dowladda Soomaaliya.

Dabayaaqadii bishii November war qoraal ahaa oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in safiirkii u fadhiyay Nairobi looga yeeray Muqdisho, halka midkii Kenya ee Soomaaliya na lagu amray in uu dalkiisa dib ugu noqdo si uu wadatashi ula soo yeesho dowladdiisa.

Arrintan ayay dowladda Soomaaliya ku macnaysay mid ay kaga jawaabeysay faragelin ay Kenya ku samaysay arrimaha gudaha Soomaliya.

Kenya ayaa beenisay in faragelin ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

War qoraal ah oo wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ay soo saartay ayaa lagu sheegan in dowladdooda aysan weli helin warqad rasmi ah oo cabashada Soomaaliya ku saabsan.

Kenya ayaa sheegtay in hadalka ay ka maqashay warbaahinta oo keli ah.

Soomaaliya iyo Kenya waxaa horay u dhex yaallay muran badeed haatan ay kiiskiisu gacanta ku hayso maxakmadda caalamiga ah.

Kenya ayaa sidoo kale ay Soomaaliya ka joogaan ciidamo qeyb ka ah kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.