Dowladda Shiinaha oo u Dabbaal-degay 60-Guurada Xariirka uu la Wadaago Soomaaliya.

BEIJING:-Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu Soomaaliya kala shaqeeyo xoojinta xariirka laba geesoodka ee ka dhexeeya labada dal.

Madaxweyne Xi ayaa arrinkan sheegay isaga oo Soomaaliya u soo diray dhambaal ku aaddan munaasabadda lixdanaad ee xariirka Soomaaliya iyo Shiinaha.

Waxa uu mudane Xi sheegay in lixdankaas sano ay labada dal isfaham buuxa iyo isgarabsi ka lahaayeen dhammaan dhinacyada kala duwan horumarka, dib u dhiska iyo ganacsiga iyaga oo la jaanqaadaya isbedellada dunida.

Waxa uu tilmaamay Madaxweyne Xi in isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya ay iska kaashanayeen waayihii dambe horumarinta xariirka labada dhinac iyo la dagaallanka xanuunk COVID-19 taas oo faa’iido wadaag u ah labada shacab.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhankiisa dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan xariirka lixdan jirsaday ee Soomaaliya iyo Shiinaha diray ayaa sheegay in labada dal ay ka dhexeyso saaxiibtinnimo qoto dheer iyo iskaashiyo kala duwan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay abaal uga hayaan dowladda Shiinaha saaxiibtinnimada isaga oo rajeeyay in saaxiibtinnimadaasi ay waarto.

Ugu dambeyn madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in uu si dhow uga shaqayn doono ballaadhinta iskaashiga iyo xaqiijinta arrimo badan oo macno u leh labada dal.