Diyaaradaha Itoobiya oo dib u bilaabay duulimaadyadii ay ku tegi jireen gobalka Tigray-ga.

Mekele:-Hey’adda duulista dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in dib loo bilaabay duulimaadyadii diyaaradaha ee tagi jiray gobalka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya.

Qoraal ay soo saartay hey’adda duulista dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in 2:00pm waqtiga Itoobiya ee maanta ay duulimaadyadu fasax yihiin kaddib markii sida ay sheegeen laga guul gaaray howlgalkii sharci soo celinta.

Hey’adda duulista ayaa afartii November waxaa ay joojisay duulimadyada garoomada magaalooyinka Mekelle, Axum, shire iyo Humera kaddib markii uu bilowday dagaalkii u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo kuwa TPLF.

Ku dhawaad 40 cisho ayuu gobalka Tigreega go’doon ka ahaa Itoobiya inteeda kale kaddib markii la joojiyay gaadiidka cirka iyo dhulkaba, arrintaan ayaa imaaneysa maalin kadib markii Ra’isulwasaaraha Itoobiya uu booqday magalaada Mekelle ee xarunta Tigray, isaga oo sheegay in isgaarsiinta la soo celiyay.