Doorashada Soomaaliya: Yaa qaadi doono mas’uuliyadda dib u dhaca ku yimaada hannaanka?

Shirka u dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maalintii saddexaad ka socdo magaalada Garowe.

Waxaa jiro qodobbo la isku mari la’yahay illaa iyo hadda, waxaana ka mid ah sida loo wadahadlayo iyo qaabka loo abaarayaba.

Illaa iyo hadda ma jiro wax lagu heshiiyey, waxaana taagan khilaaf intiisa badan salka ku haya arimaha doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/2021.

Maxay yihiin qodobada la ay isku mari la’yahay?

Sida ay dad xog ogaal u ah kullamada u sheegeen BBC, wafdiga Ra’iisul Wasaare Rooble iyo maamulka Puntland waxay weli ku heshiin la’yihiin qodobbo ay ka mid yihiin:

  • Wafdiga raysal wasaare Rooble ayaa doonaya in Puntlad marka hore ay dirto guddiga doorashada markaasi kadib un laga wadahalo tabashooyinka.
  • Puntland ayaa iyadana ku adkeysanaya in marka hore wax laga qabto arrimaha gobolka Gedo oo ay aaminsantahay in dowladda ay si khaldan u maamushay.
  • Waxay puntland sidoo kale ku doodeeysa in guddomiye Cabdi Xaashi tabashadiisa wax laga qabto oo loo madax-baneeyo arrimaha guddiga Gobollada Waqooyi.

Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaanan weli soo gudbin xubnihii guddiga doorashada ee heer Federaal iyo heer maamul gobaleed, arrintaas oo dib u dhigtay hannaankii doorashooyinka baarlamaaniga ee la filayay in la billaabo horraantii bishan December.

Axamed Shire Faarax oo ah cilmi baare ka tirsan Jaamacadda PSU ee Puntland oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay iney adagtahay in si fudud lagu xalliyo qodobadan “sababtoo ah ma muuqato in booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee Puntland uu ku joogo in lagu dhameyn karo khilaafkan”.

Wuxuu Axmed Shire wuxuu aaminsan yahay in loo baahan yahay in wakhti la geliyo arrimaha sababay khilaafka iyo ka hadalkooda, si xal loo gaaro. “Waa la filayay in wax maalma qaadan doono ay noqoto”, ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhowaan Muqdisho kaga dhawaaqay in uu jiri doono kullan ay isugu yimaadaan madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad-goboleedyada oo lagu xallinayo khilaafaadka ka dhashay arrimaha doorashada.

Dadka uu Ra'iisul Wasaare Rooble kula kulmay Garowe waxaa ka mid ah odeyaasha dhaqanka

Bishii September ee sannadkan, waxaa caasimadda Soomaaliya lagu saxiixay heshiis ku saabsanaa nooca doorashada ee 2020/21 ka dheceysa dalka, kaas oo uu ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliya.

Heshiiskaas waxaa ka mid ahaa in maamul goboleedyada ay soo magacaabaan xubno uga mid noqdo guddiga doorashada heer federaal iyo mid qaabilsan dowlad goboleedyada.

Axmed Shire wuxuu sheegayaa in ay u muuqato in Ra’iisul Wasaare Rooble uu doonayo in Puntland ay magacowdo xubnihii laga rabay ee guddiga doorashada.

“Madaxweynaha Puntland wuxuu taagan yahay, bal marka hore aanu kullano oo aynu ka heshiino arrimihii taagnaa ee lagu kala aragtida duwanaa oo xannibaadaba keenay”, ayuu yiri cilmi-baarahan.

Madasha ay ku mideysan yihiin musharrixiinta Mucaaradka ayaa horey u sheegtay in ay diidan tahay xubno ka mid ah guddiga doorashada ee dowladda federaalka soo magacowday oo ay ku tilmaameen “kuwa aan dhexdhexaad noqon karin”.

Sidoo kale maamulka Jubbaland ayaa dowladda ku eedeeyay in gobolka Gedo ay ka haysato, sidaa darteedna “aysan doorashada ka qeybgali karin inta gobolkaas uu ka maqan yahay gacantooda”.

Deni iyo Rooble.

Waxaa kale oo khilaaf uu ka taagan yahay xubnaha guddiga doorashada ee metelaya Somaliland.

“Waxay su’aal ka dhalatay dhexdhexaadnimada xubnaha la magacaabay ee inta badan dowladda federaalka ka yimid iyo maamul goboleedyada kale qeybtood”, ayuu yiri Axmed Shire oo ka faallooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay in ay wanaagsanaan lahayd in mar hore ay kulmaan xubnaha ay arrintan khuseyso, si looga heshiiyo khilaafka soo baxay, horeyna loogu socdo.

Madaxweyne Deni ma tanaasuli doonaa?

Madmadowga u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Puntland ma ahan mid mardhow soo bilowday. Madaxweyne Deni ayaa dowladda dhowr goor ku eedeeyay arrimo kala duwan.

Shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya wuxuu Deni ka sheegay in la xalliyo arrimaha la isku khilaafsan yahay ee Jubbaland, guddiga Somalilad iyo tabashada musharrixiinta kale ee u tartamaya xilka madaxweynaha.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda, sida Axmed Shire Faarax, waxay aaminsan yihiin in ay adag tahay in madaxweynaha Puntland uu xilligan ka tanaasulo qodobbada uu doonayo in xalka loo helo marka hore.

“Waa arrin adag in xilligaan ee booqashada Ra’iisul Wasaaraha ay ku dhammaato, illaa jawigga abuuran ee hadda jira la isaga soo dhowaanayo, ma muuqato in arrintaas hadda ay dhammaan karto”, ayuu yiri.

Wararka ka soo baxaya xafiiska Ra’iisul wasaaraha ee ku saabsan kulamada Garowe, ayaa lagu sheegay oo keliya in la wadahadlay, balse weli lama caddeynin in ay jiraan qodobbo la isaga soo dhowaaday oo xal laga gaari karo.

“Weli madaxweyne Deni waa ku dheggan yahay go’aankiisa, oo doodiisa in miiska la iskula tago ayuu doorbidayaa sida ka muuqato.

“Ra’iisul Wasaaruhuna safar buu u soo galay, wuxuuna doonayaa in uu Garowe kala tago xubnihii la magacaabi lahaa ee madaxweyne Deni uu ka sugayay”, ayuu hadalka ku daray Axmed Shire.

Rooble Garowe ma kala soo tagi doonaa niyad-jab?

Shirarka socda waxay muhiim u yihiin in doorashada xilligeeda ay ku dhacdo, iyo in laga fogaado in uusan dhicin “firaaq dastuuri ah” oo ka dhasho hay’adaha dowladda oo ku dhow in muddo xileedka uu ka dhammaado.

Axmed Shire wuxuu aaminsan yahay in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hal guul kala tagi doono Garowe taas oo ah in Madaxweyne Deni ay isla qaataan “in uu aqbalo casuumaadda shirka ka dhacaya Muqdisho”.

Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyniihii hore, Xasan Sheekh maxamuud.

“Laakiin Sideeda xubnood, iyadoo aan kuwii hore laga wadahadlin, waxaad moodaa in ay tahay arrin yara adag oo aan hadda si fudud u dhici karin”, ayuu u sheegay BBC Somali.

Balse, waxaa laga digayaa in khilaafka taagan uu saameyn ku yeesho shirka la filayo in uu Muqdisho ka dhaco oo ay ka qeybgalaan madaxda maamul-goboleedyada.

Haddii Ra’iisul Wasaaraha uu ku adkeysto in xubnihii Puntland la magacaabo shirkaas ka hor, “waa suuragal in ay saameyn ku yeelato dhicitaankii kullanka Muqdisho”, sida uu aaminsan yahay cilmi baarahan ka tirsan jaamacadda PSU ee Puntland, Axmed Shire Faarax.

Jadwalka doorashada oo hadda dib u dhac uu ka muuqdo, ayaa sii cakirmi kara, haddii aan heshiis rasmi ah laga gaarin khilaafka. Beesha caalamka ayaana horey uga digtay in uu dhaco mudda kororsi aan laga heshiin.

Yaa qaadi doono mas’uuliyadda, dib u dhac haduu yimaado?

Isfahan waaga u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah ayaa u muuqda mid dib u dhac ku keeni kara xilligii loo asteeyay inay ku dhacdo doorashada Soomaaliya ee 2020/21.

Arrimaha la isku hayo ayaa sababi kara dib u dhaca, inkastoo arrinta doorashada lagaga heshiiyay shirkii bishii September ka dhacay Muqdisho oo ay ka horeeyeen shirarkii ka dhacay Dhuusamareeb.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu doorasho dadban xilka ugala wareegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

“Madaxdii halkaas ku heshiiyay waa in ay fuliyaan wixii ay ku heshiiyeen. Waa arrinta koobaad”, ayuu yiri Axmed Shire oo BBC Somali la hadlay.

“Haddii fulintii heshiiskaas wax ka soo laabteen oo dib u dhac uu keeno, madaxda waddanka ugu sareysan, ha ahaado Ra’siiul Wasaaraha ama madaxweynaha, iyagaa waddankaan madax ka ah. Iyagaa laga rabaa jawigii iyo isku tanaasulkii iyo hoggaamintii xaaladan lagu jiro.

“Sida madaxda u kala sareyso ayey masuuliyaddana ugu dhici doontaa iyo khaladaadka ka yimaada”, ayuu yiri.

“Shacabka wal-walka ugu badan ee haya waa in ay dalka Soomaaliya oo dhibaato badan soo maray ay ka dhacdo doorasho aan waqtigeedii dhaafin, haddii ay dib u dhacdana waa in lala xisaabtamaa cidda ay quseyso”, ayuu hgadalka ku sii daray.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka Muqdisho wuxuu yiri: “Waan soo dhoweynayaa talooyiinka wax dhisaya. Madaxweynaha wuxuu soo saari doonaa casuumaadda madaxda maamul goboleedyada isla marka aan soo dhammeeyo booqashadeyda maamullada.”

“Walaaladey daneynaya mustaqbalka madaxweynimada, iyagana waxaan leeyahay albaabkeyga wuu idiin furan yahay. Cabashada aad qabtiinna diyaar ayaan u ahay in aan xalliyo,” ayuu yiri.

“Laakiin mid xisaabta halagu daro, sharciga lagama wayno, dastuurka lagama wayno, wixii maamul goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ay ku heshiiyeenna waa in la tixgeliyo, waana in la raacaa,” ayu hadalkiisa ku sii xoojiyay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Xigasho:BBCSomali