Taladii Tigree Noo Hor kacay Jaasadeeda Helay Dheh! Catawga Dani Iyo Cabaadka Madoobe


Dalkeenu xiliguu lumiyay dawladnimadii 1991 dii, dalka Ethiopia waxa qabsaday jabhad Tigree ah, waxay dalkaa ka geeysteen gumaad xoogleh iyo xasuuq aan loo aabayeelin.waxay gumaadeen aqoon yahanadii tigreega ahaa ee wadaniga ahaa,kuwii ahmaara kuwii oromo kuwii soomaalida iyo canfarta iyo qoowmiyad kastoo ka tarsanayd dalkaas ethiopia.waxay abuureen colaado u dhexeeya qawmiyadaha,dalkii waxay ka dhigeen fadaraal waana kala qoqobeen.waxa arinkaa samaynayana waxay ahaayeen Urur siyaasi ah oo layiraahdo TPLF oo ahayd kooxyaroo ku xiran shisheeye kabaxsan ethiopia oo xukunku gacantooda galay.
Waxay uruur sadeen wixii hanti dalkaa tiilay oo dibadaha geeysteen,mudo 30 sanadood ah ayay dhaqan xumadaa wadeen. wadamada dariska dabay galiyeen sudaan waa kala gooyeen oo qayb weyn bay kulahaayeen kala gu itaankii suudaan. dalkeena soomaaliya waxay galiyeen dab dami waayay waxayna kasamaysteen kooxo danahooda fuliya iyagoo ka dhisay qabiilooyin calamo kala wata oo dawlada yaryar ah oo xanbaarsan ahdaaf ku salaysan in aan soomaaliya laga helin dawlad dhexe oo xoogleh oo soomaaliyeed oo ku nool geeska afrika. waxay dhiseen ugu horayn somaliland kadibna puntland kadibna jubaland.
midwalbana in uu ugudanbayn ku dhawaaqo dawlad madaxbanaan ayaa uwada qarsoonayd.dadka soomaaliyeed loo sheegi maayo dhibaatada Ururkaa tplf uu ugaystay mana iloobayaan.hadaba markii tigreegii laga qaaday taladii dalkaas ayaa caruurtoodii soomaaliya ay ku beerteen soo daristay argagax iyo cabsi xoogleh  ilmo adoogood la qabtay ma calool fayooba. dhanka kale dhibaatooyinka dawlad la aantu leedahay waxaa kamid ah dani iyo axmed oo kalaa soobaxa marka dal burburo oo akhyaarta lawaayo. waxaana soo hormara dadka inta u liidata marka nidaam dawlo lawaayo ilaa umada illaahay u kiciyo khayrqabe sidaa farmaajo ah oo kale.
Dani iyo Ahmed maha siyaasiyiin duruufahaa keenay, hayeeshee wali waxay la noolyihiin afkaartii gaboowday ee tigree taasoo ah mid laga gudbay oo ah uun taariikh maanta.geeska afrika dawladnimo xasilooni iyo hormar baa u ah hadaf horaana loo soconayaa.dawlada soomaaliyeedna safka koobaad bay kaga jirtaa hormarkaas iyo iskaashigaa dawladnimo.dhibaatada tigree u gaystay labadan miskiin waxaa kamid ah iyagoo wali diidan dawlad dhexe oo xoogleh dalka soomaaliya oo hanta dalkeeda bad iyo bariba iyo cirba siday shalay ahaan jirtayba. waxay xiisaynayaan in qabiilkooda yari sii haysto dawlad qabiil iyaguna xoogaa shilimaan ah aruursadaan shisheeyahana usii adeegaan waligoodba jiilba jiil.
Dhibkuu ku reebay tigree labadan habawsan ayaa wuxuu yahay waxay moodayaan inay joogaan oo noolyihiin xiligii tigreegii galbaday! dawladay ismoodayaan siduu tigree u sheegayba. waxay dalkeena galiyeen dhib weyn oo xagal daacin ah kadib markay diideen doorasho qof iyo cod ah oo dawladeenu diyaarisay. waa loo tanaasulay oo waxay qasbeen in la aado doorasho dadban oo ah siday doorteen iyagu.dawladaha geeska afrika dawladeenu waa mida uugu dulqaadka badan.lama awoodi waayin in labadaba xabsi la dhigo sida sharcigu qabo dalkeena.siday rabeen hadii looyeelay heshiiskii waa galeen oo sixiixeen ileen waa siday dalbadeene.hade maxaad ku taqiinay nin cidkale ushaqeeya? kuwii ay u adeegayeen ayaa u sheegay in ay diidaan oo inkiraan waxay sixiixeen! soomaali iyo caalamkuba waa arkaan arinkooda.qufulkii tigree ku xiray baa ku xiran furihiina tigree baa hore u sii qaatay.
hadafkii ahaa kahortaga in dalkaan dawladi ka dhalan shaqaysaa ayaa ku xiran.xiligii tigree diid oran jiray lama joogo oo sidaa lagu nabad gali jiray hada dawlad baa jirta iyo sharci nina wuxuu sixiixay diiday laga yeeli maayo. shacabka soomaaliyeed iyo dawladoodu yeeli mayso nin inta sixiixo diiday yiraahda oo danbe. lasoo dhaaf xiligaas.waanse soomaray sixiix oo inkir waxbadan.
waxaana labadan habsaamay lamid ah kuwo abuurka soomaaliyeed kuwii u liitay ah, oo labaxay ururka madaxweynayaasha soomaaliyeed oo sheegta mucaarad oo iyagu la nool xiligii dagaal oogayaashii. waxaa ina soomaray dalkeena oo ninba meel miyiraahda anaa ka ah madaxweyne iyo midkaloo yiraahda looma dhama anaa ah midka xaqa ah! caasimadeena waxaa soomaray cali waa madaxweyne maya caydiid waa madax weyne maya qanyaraa karoon maya muuse suudiyaa xaq u leh iyo caataa mudan oo ninba meel xirtay halmagaalo! waa fowdo xilibayse ahayd hada maya. laakiin ragbaa xiligaa lanool wali oo sidaa u haysta sharaf iyo dawlad nimo waxayna ku riyoonayaan in ay dawlada hada jirta ka garab dhisaan dawlad kale oo leh madaxwaynayaal maha xataa hal madaxweyne! waxay lanoolyihiin maskixiyan xiligii soomaali kasoo gudubtay. shaqada khaainul wadanka ayaa ah dawlad diid dhab ahaan.
taariikhda aan soomaaray xataa kuwaas ayaa dalkeena kasoo noqday madaxweynayaal sifahaan ku kacaaya iyo ceebteen mahadhada ah.halkaa waxaa wadaniga soomaaliyeed ka fahmayaa in ay waajib tahay in dalkaan loo dhinto oo la ilaashado la sifeeyana cadawga gudaha ee muuqda.dadka soomaaliyeed waa hal dal iyo hal dad ma yeelayno in lakala qoqobo mayeelayno in adeegaa shisheeye oo danbe la arko. fiiriya shisheeye raaca diidan diinteena iyo dadkeena iyo dalkeena iyo wada jirkeenu malaha qabiil gaara reer walbaa leh noocyadaas fiiri dani fiiri ahmed madoobe fiiri xasan sheekh fiiri shariif sakiin fiiri cumar cabdi rashiid fiiri gaas fiiri cabdixaashi fiiri cabdirahman cabdi shakuur fiiri mahad salaad malaha qabiil gaara cadawga soomaaliyeed ee dalkeena necebi ee u adeegaaya shisheeyaha.
nimankaani waxay ku sugan yihiin taladii tigree noo harkacay jaazadeed helay dheh! dhab ahaana waxaa inoo dhiman oo kaliya in sharciga la horkeeno lana xukumo sidaa tigreega.xuusnaada soomaaliyeey dani iyo axmed hadii la dhaho gudiga oo dhan idinku keena ma qancayaan maxaa yeelay marabaan dawlad soomaaliyeed iyo mogdishoo nabad ah waxay jecel yihiin mogdishoo holcaysa guryuhu dumaan    ganaacsigu dhulka galo wiilashu dhamaadaan laakiin ha ogaadaan in taasi dhacaynin dawladna layahay mogdishana la tartamayso caaasimadaha aduunka.soomaali waa dawlad idinku meeshaad gali lahaydeen ayaa la iska rabaa? hor illaahay waxaan axdi iyo balan ku qaadnay kuwa hagar galiyay dawladnimadayada oo ka horyimaada soomaali dawlad nimadeeda iyo sharafkeeda in aanan meelkasta uuga harin waa axdi mana nihin kuwo laga baxsan karo ama cabsooda. noocyada kala duwan ee ciidanka xooga soomaaliyeed waa diideen gumaysi iyo gumaysi kalkaal danbe.
waa arkaa dani iyo madoobe iyo ururka madaxweynayaasha soomaaliyeed inay ceel dad liqa dalam yiraahdeen iyagoon dabaal aqoon.