Ethiopia oo wali daba joogta saraakiisha sare ee TPLF

Addis ababa:- Taliye ku xigeenka ciidanka Itoobiya Gen. Abebaw Tadesse ayaa magaalada Mekelle kulan kula yeeshay saraakiisha sar sare ee ciidanka Itoobiya .

Sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhiga Itoobiya kulanka ayaa u jeeskiisu ahaa qaabkii loo qaban lahaa oo cadaalada loo keeni lahaa madaxda baxsadka ah ee TPLF.

Ciidanka Itoobiya waxay sheegeen in uu dhamaaday dagaalka  balse iminka uu bilowday ugaarsiga xubinta TPLF gaar ahaan saraakiisha hogaamineysay.

Inkastoo ciidanka Itoobiya 28-kii bishii la soo dhaafay ee November la wareegeen magaalada Mekelle  ee xarunta Tigray hadana wali ma dhamaan colaada gobalkaasi.

TPLF ayaa ka da gaalameysa dhulka keymaha iyo buuraha ah ee gobalka waxaana shaqaalaha gargaarka ay sheegayaan in xitaa nawaaxiga magaalada ay ka dhacaan dagaalo goos goos ah.