Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo beesha Caalamka oo goor dhaw Muqdisho Ka furmaya.

Muqdishu:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socdo magaalada muqdisho ka furo Shirka madasha iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka (Somalia Partnership Forum),kaasi oo ay ka qaybgalayaan madaxda dowladda Faderaalka, Dowlad goboleedyada iyo Xubno ka tirsan beesha caalamka ee Soomaaliya taageera.

Shirka oo ku qabsoomi doono dhinaca Internet-ka ee Aalada Zoomka ayaa waxaa uu ajandihiisu yahay arrimaha doorashooyinka, Amniga, sii wadidda dib-u-habaynta garsoorka ganacsiga dhaqaalaha, horumarka xagga daynta cafinta laga gaaray iyo kasoo kabashada duufaan dhawaan ku dhufatay deegaanno ka mid ah dalka.

Kulanka waxaa khudbado ka jeedin doona, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda dowlad goboleedyada iyo Xubnaha beesha caalamka oo ay kamid yihiin Wakiilka QM ee Somalia James Swan, Wakiilka Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale Xubnaha dhinaca dowladda ee shirka ka qaybgalaya ayaa waxaa ka mid ah, Ra’iisul Wasaare Rooble, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed, & Wasiirada, gaashaandhigga, Amniga, Cadaaladda, Dastuurka, Haweenka & Guddoomiyaha guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Xaliimo yareey.