Hey’adda Socdaalka iyo jinsiyadda ee XFS oo war ka soo saartay Socdaalka muwaadiniinta kenyaanka ah.

MUQDISHO-(SONNA)-Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay amaro quseeya socdalka Muwaadiniinta kenyaanka ah ee doonaya inay u soo safraan gudaha Soomaaliya.

Muwaadiniinta Kenyaanka ah ee ku safraya baasaboorka dubloomaasiga ah ayaa looga baahan yahay ogolaanshiyaha wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Go,aankan ma saameynayo muwaadiniinta kenyaanka ah ee heysta deggenaanshiyaha.