Ciidamada Itoobiya oo sheegay in ay heleen 40 gaari oo ay ka carareen saraakiisha TPLF

Mekelle:-Ciidanka Itoobiya ayaa sheegay in ay heleen gaadiid badan oo ay ka carareen saraakiisha baxsadka ah ee TPLF .

Gaadiidkan oo gaaraya 40 gaari ayaa laga helay dhul-duur  ah oo 60 KM u jira magaalada Michew ee gobalka Tigray.

Gaadiidkan oo ay ka mid yihiin kuwa gargaarka deg-dega ah ayaa ciidanka Itoobiya waxaa ay sheegeen in madaxda TPLF ay adeeg sanayeen.

Magaalada Michew waxay 80 KM u jirta xarunta ismaamulka tigreega ee Mekelle.