Musharaxiinta Daahir Geelle iyo Sheekh Sharriif oo wada yeeshay kulan gaar ah.

Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Amb, Daahir Maxamuud Geelle ayaa booqasho ugu tegay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay ka wada tirsan yihiin Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa isla wada falan qeeyay xaalada dalka oo lagu jiro waqti kalaguur ah iyo sidii ay u dhici laheyd doorasho xur iyo xalaal ah oo la isla ogol yahay.

“ Waxaan  booqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sharif Sheikh Ahmed. Waxaan isla falanqaynay marxaladda uu dalku maraayo iyo sida ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho nabdoon oo xor iyo xalaal ah. Waxaan aaminsanahay in wadahadalku yahay habka ugu habboon ee lagu gaari karo isfaham looga gudbo marxaladdan cakiran” ayuu yiri Daahir Geelle.

Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Amb, Daahir Maxamuud Geelle oo kulamo ka wada Muqdisho ayaa horay ula kulmay Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud, musharixiinta kale ee Madaxweynaha, Urrurada Bulshada rayidka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.