Midowga Musharixiinta oo digniin adag u diray Madaxweyne Farmaajo

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ka horyimid talaabada ay Guddoonka ku doorteen Guddiga Doorashooyinka ee lagu muransan yahay, iyagoo sheegay in cawaaqib kasta oo ka dhasha uu Mas’uuliyaddiisa qaadan doono Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee waqtigiisu gaba-gabada yahay Maxamed C/llaahi Farmaajo.