Reer Galbeedka “Halkan Qofna Laguma Dulmiyo”

Imaaraadka Carabta ayaa isku Dayey inay ka faa’iidaysanaystaan Mawjadaha Muslim Nacaybka ee dhowaan kasoo ifbaxay Qaar kamid ah Wadamada reer Galbeedka ,Madaxda Imaaraatka ayaa arintaas u arkay Fursad iyaga u fiican .

imaaraatku waxay ku waxay ku dedaaleen inay sidaa kula Dagaalamaan ururka Ikhwaanul Muslimiin iyo Culimada kale ee dhaliilay hab dhaqanka madaxda imaaraatka.

Ujeedka ugu wayn ee Imaaraadku waa sidii ay awoodda kusii haysan lahaayeen.

Tusaale, Mxamed Bin Zayed oo adeegsanaya Golaha Culimada Imaaraadka waxay soo saareen fatwo ay ku sheegeen inay liiska argagixisada ku dareen ururka Ikhwaanul Muslimiin.

Golaha Fatwada UAE ayaa ku dooday inay raacayaan mabda’a ah in la adeeco ulul amriga.

Sababta ay madaxda imaaraatku u Colaadinaayaan Culimada Ikhwaanul Muslimiinka ayaa ah inay uga cabsi qabaan inay Xukunka kala wareegi karaan maadaama ay bulshada taageero weyn ka haystaan.

Madaxda imaaraatka carabta ayaa dhowaan Wadamada Yurub u bandhgay aragti ah in la takooro kooxaha Islaamiyiinta ah ee ku dhaqan Galbeedka, lagana soo eryo wadamada yurub.

Waxaase madaxda imaaraatku ay la kulmeen Ceeb iyo fashil ,kadib Markii dhamaan wadamada Yurub marka laga reebo faransiiska ay diideen aragtidii ay madaxda imaaraatku Wadatay!

Jawaabtii ugu Xanuunka Badnayd waxay madaxda imaaraatku kala Kulmeen wadanka Biljam waxaana loogu jawaabay sidan.

“Waad ku mahadsantihiin Soo Jeedintiina, laakiinse Anaga xageena Biljam Waxba kuma Xukuno wax ay Dad kale noo sheegeen, mana beegsano dad gaar ah Ceeb weyna ayaan u aragnaa.

Muslimiinta halkan ku dhaqan xaq bay u leeyihiin inay xoriyad ku noolaadaan, iyo in laga Difaaco dhib kasta soo wajahda Gudaha iyo Dibedaba.

Agtayada Cidna laguma Dulmiyo, waa sababta ay Biljam u Barakaysan tahay “!!

Waxaa Qoray Wargeyska Al-Qudsi AL arabic