Afrika waxay noqoneysaa “saldhigga cusub ee kooxaha jihaad doonka ah”

Ilaa 300 oo ciidamo Britain ka soo jeeda ah ayaa tegay dalka Maali ee ku yaalla Galbeedka Afrika, xilli ay u muuqatay in xuddunta kooxda la baxday Khilaafada Islaamka, taa oo ka soo wareegtay Bariga Dhexe una soo guurtay Afrika.

Howlgal saddex sano socday oo loogu magac daray Howlgalka Newcombe, waxaa qeyb ka ah illaa 15,000 oo ciidamo Qaramada Miodobay ah, uuna taageerayo Faransiiska, taas oo qeyb ka ah dedaal loogu jiro xasilinta qeyb ka mid ah qaaradda oo loo yaqaanno Saaxil.

Maali waa mid ka mid ah dhowr dal oo Saaxil ka tirsan oo haatan dagaal kula jira kooxaha jihaad doonka ah, codaaladda ayaana sii xoogeysaneysa.

Marka loo eego xogta argagixisada dunida oo la daabacay, 25-kii November, xuddunta kooxda la baxday dowladda Islaamka waxay ka soo wareegtay Bariga Dhexe iyadoo u soo wareegtay Afrika iyo qeybo ka mid ah koofurta Aasiya. Dilka ay kooxdaas ka gaysato dalalka Saxaraha ka hooseya ee Afrika, ayaa kor u kacday boqolkiiba 67%, sanadkii la soo dhaafay.

“Ballaarashada xulafada ururka ee dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika, ayaa sababtay in kacdoon argagixiso uu ka dhaco dalal badan oo gobolka ka tirsan,” ayaa lagu sheegay xogta.

“Toddobo ka tirsan 10-kii dalba ee ay aadka uga jirto argagixsada, waa dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika: Burkina Faso, Mozambique, Congo, Maali, Niger, Cameroon iyo Itoobiya”.

Warbixinta ayaa tilmaameysa in sannadkii 2019 “dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika ay diwaan geliyeen tiradii ugu sarreysay ee dilalka ay geystaan kooxda isku magacawday dowladda Islaamka, taas oo gaartay 982, amaba koror 41%”.

“Marxaladda xigta ee la dagaallanka argagixsada”

Kooxaha jihaad doonka ah ayaa in muddo ahba ka jirtay Afrika.

Hoggaamiyihii Al-Qaacida ee la dilay Osama Bin Laden ayaa Sudan ka dhigtay saldhiggiisa kahor inta uusan u wareegin Afghanistan, sannadkii 1996.

Dhaqdhaqaaqa ka jira Nigeria ee Boko Haram, oo caan ku ah afduubka boqollaal gabdho iskuulley ah, sida midkii ay ka geysteen Chibok, sannadkii 2014, ayaa weerarro waaweyn fuliyay kaddib markii ay ku dhawaaqeen jihaad sannadkii 2010.

Balse maanta, iyadoo uu soo badanayo tartanka u dhaxeeya kooxaha jihaad doonka ah ee iska soo horjeeda, haddana khatarta argagixisada ee gobolka ayaa sii kordheysa.

Xiriiriyaha waaxda la dagaallanka argagixisada ee Mareykanka, Nathan Sales, ayaa sheegay in ururka IS iyo Al-Qaacida ay labadooduba inta badan howlahooda ka soo wareejiyeen Suuriya iyo Ciraaq ayna usoo wareejiyeen xulufada ay ku leeyihiin Galbeedka iyo Bariga Afrika, iyo sidoo kale Afghanistan.

Wuxuu yiri “Afrika waa safka hore ee marxaladda xigta ee la dagaallanka argagixisada”.

A soldier of the Malian army patrols the archaeological site of the Tomb of Askia in Gao on March 10, 2020.

Balse keliya maaha dagaal u dhaxeeya dowladda iyo kooxaha jihaad doonka ah, waxaa sidoo kale jira isku dhacyo uu dhiig ku daato oo dhex mara taageerayaasha Al-Qaacida iyo IS. Cadowtinimada u dhaxaysa ayaa noqotay mid ka ballaaran sida uu saadaalinayo khabiir dhanka jihaadka ah oo u dhashay Faransiiska, Olivier Guitta oo ka tirsan GlobalStrat:

“Afrika waxay noqoneysaa saldhig jihaad 20-ka sano ee soo socda waxayna beddeli doontaa Bariga Dhexe”, ayuu hadalka ku daray.

Al-Qaacida iyo Ururka la baxay dowladda Islaamka ayaa wadaaga hal hadaf oo ah in madaxda ay Reer Galbeedku taageeraan in ay yihiin “kuwo diinta ka baxay”.

Balse waxay aad ugu kala duwan yihiin qaabka ay u wajahaan.

Ururka IS waxaa lagu yaqaan qaab aad u adag oo ay tacaddiyo u geysato – sida laga dheehan karo muuqaallada naxdinta leh ee ay baahiyaan iyaga oo dad gowracaya.

Inkastoo ay tan soo jiidaneyso dadka dhimirka ka xanuunsan iyo dembiilayaasha la xukumay, waxaa sidoo kale looga gol leeyahay in lagu qasbo inta badan Muslimiinta.

Al-Qaacida iyo xulafadeeda ayaa sidoo kale doonaya inay helaan aaminaadda bulshada qaar ee aan kalsoonida ku qabin dowladahooda ama booliiskooda.

Waa kuwee dalalka khatarta u nugul?

Maali iyo Saaxil

Dhowr dal oo ka mid ah kuwa ugu saboolsan dunida ayaa xad la leh Saaxil.

Gobolkan waxaa loo yaqaannaa “Saaxil”, waa eray Carabi ah oo la micno ah “xeeb”.

Mali, Chad, Niger, Burkina Faso iyo Mauritania waa dalalka uu ka kooban yahay gobolka Saaxil waxayna dhammaantood la kulmeen weerarro uga yimaada kooxaha jihaad doonka ah.

Qeybo ka tirsan gobolka waxaa ragaadiyay abaar, saboolnimo, shaqo la’aan, musuqmaasuq waxaana meelaha qaar ku yaalla dhulal badan oo aan la maamulin.

Sida uu Sales sheegay: “Galbeedka Afrika waa meel ku habbboon, iyadoo dalalka aan ka war heyn geyigooda ay ciidamadoodu geystaan tacaddiyo, ayna leeyihiin xudduudo aan la maamulin”.

Kooxda jihaad doonka ah ee ugu tunka weyn gobolkan waa ururka Al-Qaacida xulafada la ah ee Jama’at Nusrat Al-Islaam wa’l-Muslimin (JNIM).

Kooxda waxay tartan ballaaran kula jirtaa kooxda IS xulafada la ah ee Greater Sahara (ISGS), sannadkanna waxaa ka dhex maray dagaallo.

Nigeria

Dalka Nigeria waxaa ka dhacay qaar ka mid ah weerarradii ugu ba’naa ee ay geysteen kooxaha jihaad doonka ah ee gobolka ka dhaca, iyadoo dowladda ay la daalaa dhacayso gacan ku heynta waqooyi-bari ee dalkaas oo ay ku sugan yihiin Boko Haram.

Sida laga soo xigtay xogta argagixisada caalamka, Boko Haram ayaa mas`uul ka ahayd in ka badan “37,500 oo dhimasho oo ka dhashay dagaalka iyo in ka badan 19,000 dhimasho la xiriira argagixisanimada, tan iyo sannadkii 2011, kuwaas oo badankood ka dhacay Nigeria,” sidoo kale waxaa ka mid ah weerarro ka dhacay dalalka deriska ah.

A screen grab from a video of Nigerian Islamist extremist group Boko Haram made on January 20, 2015

Sannadkii 2015, qeyb ka tirsan Boko Haram ayaa sheegtay inay daacad u tahay Ururka “Dowladda Islaamka ee Gobolka Galbeedka Afrika” (Iswap), iyagoo si fudud uga soo gudbay xadka, waxayna qabsadeen saldhig ku yaalla xeebaha Harada Chad, sannadkii 2018.

Ururka IS ayaa wixii intaas ka dambeeyay si xooggan u taageerayay xulufada Afrika uu ku leeyahay.

Weli weerarrada waxaa lagu fuliyaa magaca Boko Haram. Muuqaal ay kooxda soo bandhigeen, 1 December, ayaa lagu sheegtay mas`uuliyadda xasuuq koox beeraley ah loogu geystay gobolka Borno, kuwaas oo ay kooxdu sheegtay inay la shaqeynayeen ciidamada dowladda.

Dalalka galbeedka ayaa caawinaad xaddidan oo militari iyo mid sirdoon u fidiyay Nigeria. Diblomaasiyiinta Galbeedka ayaa sheegay inay xayirayaan musuqmaasuqa iyo rikoorka xun ee xuquuqda aadanaha ee ka yaalla milatariga Nigeria.

Guul darrada Nigeria waxaa qeyb weyn ka ah aaminaad darrada dowladda lagu qabo iyo shaqaaleysiinta ay sameeyaan Boko Haram iyo kooxo kale oo jihaad doon ah oo ka jira gobolka.

“Xaaladda musuqmaasuqa Nigeria ayaa burburinaya wax walba”, ayuu sheegay Olivier Guitta.

Waqooyiga Afrika

Kacdoonka Al-Qaacida ee Waqooyiga Afrika ayaa ka bilwoday Algeria.

Sidaas darteed wax lala yaabo maaha in hoggaamiyaha dhowaan la soo magacaabay ee Al-Qaacida ee Islaamka Maqrib (AQIM) uu ka soo jeedo Algeria.

Abu Cubayda Al-Annabi oo ah 51 sano jir, garkiisu cad yahay, wuxuu beddelayaa Abdelmalik Droukdel, oo ay ciidamada Faransiiska bishii June ku dileen dalka Maali.

Magacaabista ninkan waxaa aad u soo dhoweeyay taageerayaasha Al-Qaacida halka kuwa taageersan ururka IS ay shaki ka muujiyeen sida uu ugu habboon yahay xilkaas.

A mannequin stands near destroyed buildings in the Yarmuk Palestinian refugee camp in the Syrian capital Damascus as the regime began to clean the wreckage from the camp on October 09, 2018.

Tunisia, oo ah dalka ugu yar ee gobolka ku yaalla, waxaa ka soo jeeda tirada ugu badan ee ururka ku biiray – 15-20,000 – kuwaas oo u safray Suuriya si ay uga mid noqdaan IS intii uu ururku soo shaac baxayay sannadihii 2013-2018.

Dalkaas Tunisia oo ay ka jirto shaqo la`aan baahsan isla markaana u dhow Libya, ayaa wajahaya khatar uga imaaneysa argagixisada.

Libya ayaa ku jirtay xaalad qasan tan iyo kacdoonkii Guga Carabta ee sannadkii 2011, iyo markii xilka laga tuuray hoggaamiyihii dalkaas Mucaamir Al-Qadaafi.

Dhammaadkii xukuumaddaas, keliya kama dhalan in kumannaan tan oo hub iyo waxyaabaha qarxa oo ay dowladdu lahayd, ay u gudbaan dalalka Saaxil, balse waxaa sidoo kale ka dhashay in Ururka la baxay dowladda Islaamka ay saldhig ku yeelato bariga Libya.

Soomaaliya

Kooxda Soomaaliya ka jirta ee Al-Shabaab – oo Carabi ahaan noqoneysa “dhalinyarada” – waa urur khatar weyn ku haya guud ahaan qaaradda.

Sida uu sheegay Nathan Sales, “Al-Shabaab waxay isku aragtaa kooxda ugu fiican ururada ka tirsan Al-Qaacida”.

A Somali soldier patrols next to the burnt-out wreckage of a car that was used by suspected al-shabab fighters on April 16, 2017.

Waxay ka badbaadday ololeyaal militari oo lagu cirrib tirayo, welina waxay awoodday inay weerarro ka geysato gudaha Kenya iyo Uganda iyo sidoo kale inay qaraxyo bambo ka geystaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Howlgallada Gaarka ah ee Mareykanka iyo duqeymaha cirka ee laga soo maamulayo dalka deriska ah ee Jabuuti, ayaa inta badan dila hoggaamiyeyaal al-Shabaab ka tirsan, haddana kooxda waxaa u suurto gashay in ay dib isku soo cusbooneysiiso howlaheeda.

Waxay sidoo kale ka badbaadday loollan adag oo uga yimid kooxda xulafada la ah IS oo haatan intooda badan lagu riixay waqooyi-bari dalka.

Mozambique

Degmada Cabo Delgado, wuxuu saldhig u yahaykoox adeegsanaysa magaca “Dowladda Islaamka ee Gobolka Bartamaha Afrika,” (ISCAP), wuxuu tusaale u yahay kacdoonka inta badan laga soo abaabulay internet-ka.

Saraakiisha ka hortagga argagixisanimada ayaa rumeysan in kooxaha jihaad doonka ah ee ka howlgala degmadan shidaalka qaniga ku ah ee Mozambique, ay shaqaaleysiin ka sameynayeen internet-ka.

Waxaa jira warar is khilaafsan oo ku saabsan weerarradii xumaa ee dhowaan lagu fuliyay magaca Ururka la baxay KHilaafada Islaamka ee ka dhacay Cabo Delgado, sida xasuuqii la sheegay in 50 qof oo deegaanka ah lagu dila,y garoon kubadda lagu dheelo.

Balse IS waxay u muuqataa inay ka gacan sarreyso dowladda.

Olivier Guitta wuxuu sheegay “in ‘Daacish’ ay dhex mushaaxeyso Mozambique iyadoo aan wax dhibaato ah kala kulmin ciidamada dowladda”.

Madax furashada afduubka

Taniwaa arrin baahsan.

Bishii June 2013, dhammaan toddobadaba hoggaamiye ee goobjoogga ka ahaa shirkii G7 oo ka dhacay Loch Erne ayaa saxiixay heshiis ah inaan wax lacag madax furasho ah la siin uurrada argagixisada.

Toddobo sano ka dib, waxay xaqiiqdu tahay in muwaadiniinta Yurub lagu sii daayo lacag aan cadadkeeda la qiyaasin, halka la haystayaasha Britain iyo Mareykanka ka soo jeeda ay yihiin kuwa ugu badan ee la khaarijiyo.

Dhowr muwaadiniin Faransiis ah oo ay kooxaha jihaad doonka ku heysteen Saaxil ayaa la sii daayay, waxaa ugu dambeysay tii lagu kala beddeshay sii deynta maxaabiis badan oo khatar ah kana tirsanaa kooxaha jihaad doonka ah oo ku xirnaa Mali.

Dadka arrimahan falanqeeya ayaa sheegay in guud ahaan lacagta la siiyo afduubayaasha jihaad doonka ah ee Waqooyiga iyo Galbeedka Afrika ee sannadihii la soo dhaafay ay ka badan tahay €100m ($120m; £90m).

Lacagtan madax furashada ah ayaa waxay kooxaha jihaad doonka u isticmaalaan inay ku soo iibsadaan hub badan, waxyaabaha qarxa, gawaari fiican iyo qalabka is gaarsiinta iyo sidoo kale inay ku maalgeliyaan shaqaaleysiinta ayna laaluush ku siiyaan saraakiisha musuqa ah.

Ma jiraa xal degdeg ah?

Sidaas darteed, Afrika, sida ay dadka qaar saadaalinayaan, ma waxay ka dul qaadeysaa Bariga Dhexe iyadoo noqoneysa xuddunta khatarta ugu weyn ee ka imaaneysa kooxaha jihaad doonka ah?

Tani waxay ku xirnaan doontaa waxyaabo dhowr ah balse waxaa ugu weyn tayada dowladnimada.

Xalka muddada dheer ee caqabadaha ka imaanaya kacdoonka kooxaha jihaad doonka ah ma aha siyaasad wanaagsan iyo xuduudo adag.

Wuxuu xalku u laabanayaa caqabaddii hore u jirtay ee ahayd abuuridda fursado dhaqaale iyo xasilooni siyaasadeed oo dadka ka weecin kara nolosha rabshadaha ku dhisan.

Xigasho:BBCsomali