Nin Hooyadiis ku dilay Magaalada Muqdisho oo isna isla goobtaas lagu dilay.

Ninkaas Hooyadiis dilay ayaa oo lagu Magacaabaa Cabsiiye Cadaan,isagoo Hooyadiis ku dilay Hoygooda oo ku yaalla meel u dhow Isbitaalka Keysaneey ee degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Dilka ayaa Ninka Hooyadiis wuxuu u adeegsaday Tooreey, waxaana sababaha dilka keenay lagu sheegay kadib markii uu Hooyadiis ka dalbaday inay u iibiso Boos dhaxal ah, balse ay ka diiday.

Mid kamid ah Ehellada Hooyada la dilay ayaa u sheegay saxaafadda in Wiilka oo isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya uu soo qaatay Tooreey, isla markaana uu Hooyadiis dhowr jeer ku dhuftay sidaasina ay ku geeriyootay.

Sidoo kale ninkaasi ayaa Walaalkiis ka yar iyo Wiil kale oo deris la’ah oo hooyada u soo gurmaday uu Tooreey ku dhuftay, kuwaas oo lagu dabiibayo Isbitaalka Keysaney ee degmada Kaaraan.

Ugu dambeyn waxaa la sheegay in Ciidamo ka tirsan laamaha Ammaanka ay toogteen, kaddib markii ay naftooda kala baqeen, iyaga oo doonayay inay qabtaan isna uu tooreey la soo aaday.

Dhacdada naxdinta leh uu Ninkaasi ku dilay Hooyadiis ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa aad looga hadal haayaa Xaafadaha degmada Kaaraan & Guud ahaan Magaalada Muqdisho, iyada dhacdooyinka noocaan oo kale ah ay dalka ku soo bateen.