Baarlamaanka Kenya oo ka dooday khilaafka Soomaaliya.

Baarlamanka Kenaya ayaa ka dooday khilaafka diblomaasiyadeed ee haatan ka dhex bilaabmay labada dal. Arintan ayaa daba joogta go’aankii ay Soomaaliya ugu yeedhatay danjiraheeda u fadhiya Nairobi, ee ay sidoo kalena ku wargelisay danjiraha Kenya u fadhiya Soomaaliya inuu dalkiisa wada tashi ugu noqdo.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay in ay go’aankaa ku salaysay Kenya oo ay ku eedeysay inay madaxweynaha Jubbaland ku cadaadinayso inuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taas oo carqaladaynaysa heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya, islamarkaana ka hor imaanaysa hab dhaqanka diblomaasiyadeed ee dawladaha deriska ah.

Doodii xildhibaannada baarlamanka Kenya ee galabtuna waxay u dhacday sidatay oo waa kuwan hadalladii ugu mudnaa ee golaha laga yidhi:

“Ganacsiga Kenya iyo Soomaaliya muusaamayn khilaafkan diblomaasiyadeed. Gaar ahaan qaadka dalku u dhoofiyo iyo waxyaabaha kale ee la dhoofiyo iyo la soo dejiyo ee labada dal ku kala ganacsadaan. Mahadsanid gudoomiye,” ayuu yidhi Aadan Ducaale oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Kenya.

“Mudane gudoomiye waa nasiib darro in arimahaa muhiimka ah la soo hadal qaadayo maalintii ugu dambaysay kal fadhigan. Ilaa haatan ma jiro waxa xidhiidhka rasmi ah afka diblomaasiyadda lagu yidhaa ‘ Note Verbal’ oo ka yimid Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay kaga codsanaysayo danjiraha Kenya u fadhiya Muqdisho inuu Nairobi u tago wada tashi dheeraad ah. Waa ta labaad e, talaabada la sheegay in ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qaaday waa wax laga xumaado, maadaama oo lagu saleeyey sheegasho iyo eedayn aan la caddayn karin oo ah in ay iyagu sheegteen in Kenya farogelinayso arimaha gudaha ee Somalia. Eedahaa lama caddayn. Ta saddexaad, waxaan doonayaa inaan idhaa Dawladda Kenya way ixtiraamtaa oo ku dhaqantaa mabaadi’da ma dhaafaanka ah ee diblomaasiyadeed ee caalamiga ah ee aayo ka tashiga, madaxbanaanida siyaasadeed iyo dhawrsanaanta dhulka wadamada oo dhan, gaar ahaan kuwa Afrika, waxaanan doonayaa in aan idhaa xidhiidh diblomaasiyadeed oo fiican ayaa Soomaaliya inaga dhexeeya sidaas ayaanu ahaan doonaa.” Ayuu yidhi Katoo Ole Metito oo ah gudoomiyaha gudida baarlamanka ee gaashaan dhigga iyo arimaha dibaddu.

“Waxaan doonaya inaan u mahadnaqo gudoomiyaha, intaan dhegaysanayey wuxuu ku celiyey oo akhriyey uun warbixintii ay soo saartay wasaaradda arimaha dibadda Kenya markii safiirada loo yeedhay. Laakiin waxa jira waxyaabo badan oo labadeena dal mideeya oo ka badan waxa ina kala qaybiya markaa gudoomiye waxaan doonayaa in aan gudoomiye Katoo ugu mahadnaqo jawaabtaa waafiga ah ee uu bixiyey”. Ayuu yidhi Aadan Ducaale oo hadalka mar kale ku noqday.

“Codsiga aan u jeedinayo dawladdeenu waa in ay ma huraantahay in arintan sida ugu dhakhsaha badan loo furdaamiyo, sababta oo ah waxa jira ganacsi aynu la leenahay iyo dad dalkaa kale ka yimaad oo wadankan maalgashada. Maadaama oo aan ka mid ahay gudidaa gudoomiyaheedu hadlayna waxaan doonayaa inaan idhaahdo waxaynu u baahannahay in aynu xaqiijino in dalkeena iyo Soomaaliya labaduba ahaadaan laba dal oo saaxiiba oo barwaaqaysan.” Ayuu yidhi Cabdilaahi Bashiir Sheekh oo ah xildhibaan laga soo doorto Mandera North.

“Mudane Gudoomiye waxaan doonayaa in aan taageero hadalka gudoomiyaha gudida. Waxa iga yaabiya ee ku saabsan Soomaaliya waa in xiliga doorashada ololaha ka socda halkan Nairobi uu kaga xamaasad badan yahay Muqdisho qudheeda. Oo waxaad is odhanaysaa ba malaha doorashadu halkan Nairobi ayay ka dhacaysaa ee kamaba dhacayso Muqdisho. Mudane Gudoomiye hadaad imika magaalada dhex marto hudheelada oo dhami way buuxaan, waxayna noqotay in dhamaan musharaxiinta madaxweynenimo ee Soomaaliya ay Nairobi yimaadaan olole adagna halkan way ka wadaan, markaa waxaynu u baahannahay in gudida gaashaan dhigga iyo arimaha dibadu ay baadhitaan dheer samayso si ay inoogu sheegaan sababta ay musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ololaha ka badan kay Muqdisho ka wadaan uga wadaan Nairobi.” Ayuu yidhi Nuux Juneed Sheekh oo xildhibaanka laga soo doorto Suna East.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Abuukar Dubbe, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho shalay, ayaanu halkan ku eegeynaa qodobbadii ugu muhiim sanaa ee wasiirka uu ka hadlay:

Danta qaranka iyo danta shisheeyaha

Wasiir Cusmaan oo u muuqday in uu ka jawaabayay warsaxaafadeed xalay ay soo saareen midowga musharrixiinta mucaaradka ee u tartamaya xilka madaxweynaha, ayaa sheegay in “mararka qaar ay dhacdo in danta shisheeyaha laga hor mariyo midda qaranka”.

Warqadda musharrixiinta ayaa lagu sheegay in Golaha ay ku mideysan yihiin “u arko olole doorasho in xukuumadda ay hoos u dhigto xiriirka Kenya”.

.

“Goluhu wuxuu madaxweynaha uga digayaa in uu siyaasadda arrimaha debedda dalka u adeegsado olole doorasho, neceyb iyo cadaawadna ka dhex abuuro labada dal ee deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya,” ayaa lagu yiri warqadda.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa warkiisii manta ku yiri: “Siyaasiyiinta macaaradka ku ah dowladda Soomaaliya waxaanu ugu baaqeynaa in ay ka waantoobaan in danta dalkooda ka hor mariyaan danta dal kale.”

“Xilku waa maalmo; xilku waa meerto; laakiin qarrannimadu waa wax wayn,” ayuu hadalka ku daray.

“Annagu dowlad ahaan, dhexdhexaad kama nihin dowladnimada, iyo madaxbannaanida dalkeena. Ilaalinta dalka, diinta iyo dastuurka ayaanu u dhaaranay”, ayuu yiri.

Khilaafka Kenya iyo Soomaaliya ayaa soo jiitamayay tan iyo markii ay billaabatay dacwadda badda ee taalla maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, taas oo ku saabsan muranka dhanka xuduudda badda.

Wasiirka wuxuu yiri: “Anagoo ixtiraameyna deris wanaagga iyo madaxbannaanida wadamada nala jaarka ah, haddana marnaba ma ogolaaneyno in lagu soo xadgudbo madaxbanaanida, qarannimada, iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.

Wada shaqeynta Kenya iyo Soomaaliya

Wadashaqeyn la xiriirta diblumaasiyad, amni iyo ganacsi ayaa ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya

Wasiir Cusmaan wuxuu yiri “Dowladda waxa ay dhowreysaa xeerarka caalamiga ah iyo wada noolaanshiyaha shucuubta caalamka.”

“Kenya waxayna u haynaa ixtiraam, qadarin, derisnimo iyo in aanu ahaano dan wadaag. Dhinacayagu markasta waanu dhowrnaa arrimahaa aasaasiga ah, Laakiin kenya kama muuqato dersi wanaag, waxaana ka muuqda damac daba socda riyo maalmeed aan munaasib ahayn iyo qarow ku dhisan dhalanteed oo ay ku hunguriyeyneyso dhulka iyo badda Soomaaliyeed,” ayuu hadalka ku daray.

Hadalkiisan ayaa u muuqday mid uu ku xoojinayo go’aankii dowladda Soomaaliya ee 29-kii Nofember ay ugu yeeratay safiirkeedii Nairobi, iyadoo midkii Kenya ee Muqdishana u soo dirtay wada tashi uu la yeesho dowladdiisa.

War qoraal ah oo wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ay soo saartay ayaa lagu sheegan in dowladdooda aysan weli helin warqad rasmi ah oo cabashada Soomaaliya ku saabsan.

“Kenya lama soo gaarsiin xiriir hadal ama qoraal rasmi ah oo kaga yimid dowladda Soomaaliya, taas oo lagu codsanayo in safiirka Kenya ee Jamhuuriyadda Somaaliya uu ka baxo dalka si uu la tashiyo u soo sameeyo”.

Kenya ayaa sheegtay in hadalka ay ka maqashay warbaahinta oo keli ah. “Kenya waxay muujineysaa sida ay uga xuntahay tallaabada ay qaaday dowladda Soomaaliya”.

Balse, Wasiirka Warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya, Cusmaan Abuukar Dubbe wuxuu tilmaamay in “Kenya ay in badan kala shaqeeyeen arrimaha amniga labada dal.”

“Waxaanu qaadanay falsafad ah, cadowga deriskaagu waa cadowgaaga. Laakiin Kenya waxa ay dooratay oo ay jeclaatay, sida rajiimkii Tigrayga ee faragelinta badnaa kaas oo halkii uu ku dambeeyay aynu maanta ka wada warqabno,” ayuu yiri.

Kenya ayaa beenisay in wax faragelin ah ay ku hayso Soomaaliya iyo

doorashadeeda. “Ficilkan wuxuu ku saleysan yahay warar aan waxba ka jirin”, ayey Kenya ku tiri qoraal ay soo saartay.

“Duullimaadyada caalamiga ah ee Kenya, inta badan waxay isticmaalaan hawadeena. Si hufan oo hagar la’aan ah baan ugala shaqeynaa isticmaalka hawadeenna. Laakiin dowladda Kenya waxay safarka ku dhibaan shacabka Soomaaliyeed ee gobollada ka safra oo ay ku qasbaan baaris dheeraad ah iyo in ay sandullo ku soo maraan Wajeer,” ayuu yiri Wasiir Cusmaan.

Balse arrintaa waxaa laga gaaray heshiis, bishii Nofember ee 2019-kii, waxaana markaa ka dib bilowday in diyaaradaha isaga kala goosha Soomaaliya iyo Kenya ay sameeyaan duullimaadyo toos ah.

AMISOM iyo KDF

“Ciidamada Kenya ee (KDF) waxay ka mid yihiin ciidamada nabad ilaalinta Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). Ciidamadaas waxay ku joogan ogolaanshiyaha dowladda Soomaaliya iyo awood siinta Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobeey,” ayuu yiri wasiirka oo manta saxaafadda kula hadlay Muqdisho.

.

“Dhinacayagu, ciidamadaas, sida ciidamada kale ee AMISOM, waxaanu la leenahay wada shaqeyn buuxda laakiin dhinaca Kenya taasi kama jirto.

“Marar dhowr ah ayey KDF ka bexeen goobo lagu ogaa iyagoo aan kala tashan dowladda Soomaaliya iyo hoggaanka saree e AMISOM,” ayuu yiri Cusmaan Dubbe, balse Kenya weli kama aysan jawaanbin eedeyntaas.

“Haddii aan faafaahin idiinka siiyo: Waxay mar dhexdaas ah ka bexeen laba goobood oo aad iyo aad muhiim u ah oo kala ah Faafax-dhuun iyo Buusaar. Bixistaas talo la’aaneed, wuxuu dhib badan ka soo gaaray shacabka Soomaaliyeed ee gobolka Gedo.”

Arrinta Jubbaland

Khilaafkan cusub ayaa salka ku haya arrimo la xiriira Jubbaland iyo madaxweye Axmed Madoobe uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in ay Gobolka Gedo ka haysato maamulkiisa.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale dowladda ku eedeeyay inay “afduubaneyso,” doorashada soo socota ee guud ee lagu dooran doono xubnaha baarlamaanka.

“Xamar baan wada tagnay waxbaanu ku hadalnay, waxaa la yiri doorasho ha la qabto, sidaa ha loo qabto, maamul walba labo meelood ha lagu qabto, aan idin waydiiye maanta guddi baa la iga sugayaa waxaa laga hadlayaa inaan doorashadii qabanno, waxaa noo qoran labo caasimadood inaan ku qabano waa Kismayo iyo Garbahaareey, Jubaland maanta ma ka talisaa ma joogtaa jabhado iyo ciidan baa lagu sii daayay,”ayuu yir Axmed Madoobe.

Axmed-madoobe

Dowladda Soomaaliya ayaa arrintaas Axmed Madoobe uu sheegay ku tilmaamtay “mid laga soo abaabulay Kenya.”

Wasiirka Warfaafinta wuxuu yiri: “Kenya waxay faragelin joogto ah ku haysaa maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland oo ay madaxdiisa ku qasabto arrimo ka soo horjeeda oo ka dhan ah danta iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.”

Balse Madaxweynaha Jubbaland wuxuu ku adkeysanayaan in arrinta Gedo ay heshiiskii Muqdisho qeyb ka ahayd: “Doorashada aan qabaneyno waa in waxaan ku heshiinay ay dhacdo, waa sax doorashadaasi waxaan rabnaa inay wakhtigeedi ku dhacdo, dadka maamulka haya ee madaxda fedaraalka waa in wixii lagu heshiiyay ay fuliyaan,” ayuu yiri.

Shaqo abuurka iyo ganacsiga

Xiriir dhanka ganacsiga ah oo in muddo ah soo jiray ayaa labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ka dhexeeya.

Wasiir Cusmaan Abuukar Dubbe wuxuu sheegay: “Soomaaliya waxaa ka shaqeeya kumannaan muwaadin oo u dhashay Kenya oo si sharaf iyo karaamo leh uga shaqeeya dalkeenna. Waanu ilaalinaa, oo soo dhoweynaa, oo dhowrnaa.”

Balse wuxuu dowladda Kenya ku eedeeyay in ay taa bedelkeeda “martigeliso dad aan ka shaqeyneyn danta Soomaaliya.”

Balse Kenya waxaa sidoo kale ku nool boqollaal kun oo Soomaali ah oo qaxooti ku ah xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma. Qaar kood ayaa ku dhashay xeryahaas, waxaana sidoo kale jiro Soomaali ganacsyo kala duwan ku haysta Nairobi.

Wasiirka wuxuu sheegay in “dhinaca ganacsiga, Soomaaliya ay suuq wayn u tahay warshadaha, beeraha iyo wax soo saarka Kenya.”

“Lakiin Kenya ma ogola in badeeco uga tagto dhinaca Soomaaliya. Iska daa ganacsi, xudduudda ka gudba ee, waxay xilli kastaa burburiyaan ganacsiga shacabka Soomaaliyeed, sida taawarada iyo qalabka isgaarsiinta ee ay ku shaqeeyaan shirkadeheenna waaweyn ee Hormuud iyo Somtel.”

Kenya waxay horey u beenisay in ay burburisay qalabka isgaarsiinta ee lagu duqeeyay xuduudda labada dal.

Wasiirka waxaa kale oo uu sheegay in ay jiraan shacab ay “ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM ay ku dhibaateeyeen gobolka Gedo”. Balse ma uusan bixinin caddeynta sheegashadaas.

Soomaaliya miyay la daahday in ay u yeerato safiirkeeda Kenya?

Dhammaadkii bishii la soo dhaafay, ka dib hadalka ka soo yeeray madaxweynaha Jubbaland, waxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya soo saartay qoraal ay ku sheegtay in dalka ay ka eriday safiirka Kenya, una yeeratay safiirka u fadhiya Nairobi.

Wasiir Cusmaan Dubbe wuxuu yiri: “Intii Soomaaliya ka soo kabatay, marna ma dhicin in hal siyaasi oo mucaarad ku ah dowladnimada Kenya, laga abaabulo Muqdisho iyo Soomaaliya, si loogu qalqal geliyo deriska.

“Laakiin taas bedelkeeda, Nairobi waxa ay noqotay meesha lagaga soo duulo Soomaaliya; lagaga noqdo heshiisyada lagu gaaro Soomaaliya gudaheeda. Lagana soo abaabulo rabshadaha siyaasadeed ee la rabo in lagu carqaladeeyo dowladnimada dhismeysa ee dalkeenna

Qoraalka dowladda Kenya ayaa arrin ta aka duwan lagu xusay, waxaana lagu yiri: “Dowladda Kenya waxay xushmeyneysaa, ayna u hoggaansameysaa xeerarka caalamiga ah ee is-xukunka, madaxbannaanida, xuriyadda siyaasadeed, iyo sharafta dhuleed ee dhammaan dalalka, si gaar ah kuwa Afrika”.

Balse dowladda Soomaaliya ayaa arrintan la xiriirisay arrin shacab, wuxuuna wasiirka yiri: “Anagoo ka duuleyna rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, ayaanu si aan dareenkaa ula wadaagno, danjiraheenna latashi ugu yeernay 29-kii bisha Nofembar.

“Arrintan – inaanu u yeerno danjiraheenna ah – miyaanu ku degdegnay mise waanu la soo daahnay? Maya, maynu ku degdegin,” ayuu hadalka ku daray.

“Ma aqbaleyno in aanu dib u laabano”

Soomaaliya ayaa sannadkii 2012-kii ka baxday dowladdihii ku meelgaarka ahaa, waxayna yeelatay dowlad rasmi ah.

Tan iyo wixii xilligaa ka dambeeyay waxaa isa soo bedelayay siyaasadaha arrimaha dibadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga ku saabsan.

Cusmaan Abuukar Dubbe wuxuu yiri: “Shacabka Soomaaliyeed waxaanu u sheegeynaa in ay ogaadaan in Soomaaliya aanay manta ahayn, Soomaaliyadii burbursanayd, ee ay tahay dowlad madaxbannaan oo cod ku leh fagaarayaasha caalamka, sidoo kalena waxaan shacabka u sheegeynaa in dowladdoodu u taagan tahay midnimo, wadaniyad, madaxbannaani qaran, dowlad wanaag iyo ilaalinta sharafta dalka.”

“Ma aqbaleyno in aanu dib u laabano; ma aqbaleyno in aanu hal dhibic ka tanaasulno awoodda iyo madaxbannaanida qarameed ee Soomaaliya, sida uu nafarayo qodobka koobaad ee dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, faqraddiisa seddaxaad,” ayuu yiri Wasiirka.

Xigasho:BBCSomali