Yuusuf Dabageed iyo Guddoonka Baarlamaanka oo ka wada hadlay xalinta xiisada ka taagan G/Hiiraan.

Madaxweyne Ku xigeenka Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Yusuf Axmed Hagar dabageed ayaa kulan kula qaatay Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle & ku xigeenkiisa 1aad.

Mas’uuliyiintaan ayaa ka wada hadlay dardargalinta Horumarinta Dowlad Gobaleedka Hirshabelle iyo in si huufan loogu Shaqeeyo Shacabka ku nool degaannada Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Wararka kulanka laga helay ayaa waxay sheegayaan inay ka wada hadleen sidii loo xalin lahaa xiisada ka taagan gobolka Hiiraan & sidii loo xalin lahaa in cid walba oo cabasho qabto.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa ka dhacayay magaalada Beledweyne banaanbaxyo looga soo horjeedo Maamulka Hir-Shabeelle, waxaana duleedka Beledweyne ku sugan Janeraal Xuud & maleeshiyaad uu wato, kuwaas oo didiay inuu Beledweyne tago Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Dr Cabdixakiim Luqmaan Xaaji oo shalay Beledweyne gaaray ayaa sheegay inay horudhac u yihiin wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo halkaasi tegaya, hayeeshee aan la ogeyn sida ay suurtagal ku noqon karto, iyada oo weli aan xal laga gaarin xiisada taagan & diidamada Bulshada Reer Beledweyne.