Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Muqdisho ka furtay Shirka Qorsha Sanadeedka 2021 ee Mashruuca JPLG.

MUQDISHO:- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa Maanta ku daahfurtay Magaalada Muqdisho Shirka Qorsha Sanadeedka 2021 ee Mashruuca Dowladaha Hoose ee JPLG-ga.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradada Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta Aadan Cabdinaasir oo Shirka daahfuray ayaa sheegay in shirkan looga hadli doono wixii Wasaaradda u qabsoomay sanadkan iyo waxa u qorsheysan in sanadka soo socdo la qabto.

“Shirkaan wuxuu soconayaa laba maalmood maalin Dowladda dhexdeeda ah iyo Maalin Dowladda, Hay’adaha bah-wadaagta Mashruuca JPLG-ga iyo Qaaraan Bixiyayaasha (Donors), maanta oo aan Dowlad ahaan u wada hadlayno waa inaan ka wada hadalnaa maxaa inoo qabsoomay Sanandkaan, maxaan qabsoomin, maxay u qabsoomi waayeen iyo maxaa inoo qorshaysan, iyo sidoo kale caqabadaha jira, waxaana ku kalsoonahay inuu wax mira dhal ah kasoo baxo, Berrina aan si wadajir ah ula kulanno Hay’adaha iyo Qaaraan Bixiyeyaasha” ayuu yiri Wasiir Aadan C/Naasir.

Shirka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Wasiiro iyo Agaasimayaal Guud oo ka kala socday Dowlad Goboledyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Dhanka kale shirkaan ayaa socon doona Muddo laba maalmood ah ayaa lagu gorfayn doonaa Qorshaha Sanadka 2021 ee Mashruuca Dowladaha Hoose ee JPLG-ga.