UNHCR oo Ka Deyrisay Xaaladda Qaxootiga Eretrea ee Ku Nool Gobolka Tigray-ga.

ADDIS ABABA:-Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa sheegtay in kumannaan ka mid ah qaxootiga Eretrea ee ku nool gobolka Tigray ee uu dhawaan ka dhacay dagaalku ay wajahayaan cunno la’aan.

Hay’adda ayaa ku baaqday in gargaar degdeg ah lala gaaro deegaankaas gaar ahaan qaxootiga oo ay cuntadu ka go’day.
Ku dhawaad 100,000 oo qaxooti ka soo jeeda Eretrea ayaa ku nool gobolka Tigray ee dalka Itoobiya kuwaas oo ka soo cararay cadaadiska siyaasadeed iyo gurmadka qaran ee khasabka ah ee ka jira Eretrea.
Waxaa wali go’an Khadka taleefanka iyo kan internet-ka ee gobolkaas oo ay xukuumadda Itoobiya goysay billowgii gulufka ay ku qaadday gobolkaas.

Hay’adda ayaa xoogga saareysa sidii loo gargaari lahaa tobannaan kun oo qof oo maamlmihii ay dagaalladu ka socdeen gobolka u qaxay dalka Suudaan sidoo kale hay’adda ayaa u walwalsan xaaladda qaxootiga reer Eretrea ee gobolka Tigray.