Maamulka Jubbaland oo ku hanjabay inay dib ula wareegi doonaan Gobolka Gedo.

Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in gobolka Gedo ay ka qabatao doorashooyin ay horboodayaan xubno ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Guddiyada doorashoyinka ee la Magacaabay ay yihiin kuwo ka tirsan NISA & Hay’adaha dowladda, isla markaana la doonayo in lagu boobo kuraasta Baarlamaanka labada Aqal, taasina aan la aqbaleyn.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa intaasi uu ku daray in Jubbaland oo kaashaneysa Bulshada ay waajib tahay in sidii hore lagu soo celiyo Gobolka Gedo oo ay dib ula wareegaan si looga hortago qorsho kasta oo ay ka damacsan tahay dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka wuxuu ku eedeeyay Dowladda Soomaaliya inay ka abuurtay gobolka Gedo Amni darro iyo inay dhamaan ka tagaan Hay’adihii samafalka, waxaana uu ku hanjabay in si kastaba ay gobolka Gedo la wareegi doonaan.

Dhanka kale hadalka Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku soo aadaya xilli weli aan wax xal ah laga gaarin arrinta Gobolka Gedo, isla markaana ay tahay weli caqabad ka dhex taagan Dowladda Soomaaliya & Jubbaland.