Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi oo Qoraal soo saaray

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi, Siyaasiyiinta, Dhaqanka iyo waxgaradka Beelaha Gobolada Waqooyi ayaa eedeyn kulul u jeediyay Madaxda Dowladda Soomaaliya, iyaga oo sheegay inay wadaan qorsho ay ku boobayaan kuraasta Gobolada Waqooyi.

Qoraal ay xubnahaan si wadajir ah u soo saareen ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin in hoggaanka dalka ay iska indha-tirayaan sharciga dalka iyo hanaanka doorashada 2020/2021 ee lagu heshiiyay.

“Waxaa nasiib darro ah in xukuumadda ay weli ku adkeysaneyso oo la tababarayo Guddiyo sharci darro ah ,iyada oo u jeedadu tahay in la qabto doorasho ku saleysan boob iyo musuq maasuq ayaa lagu yiri” Qoraalka Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi.

Guddoomiyaha Aqalka Sare & Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi qoraalkooda waxay ku sheegeen inaysan marti ka noqon doonin masiirkooda siyaasadeed & maamulka doorashada, isla markaana, iyaga oo raacayaa hanaanka doorashadii 2016-kii & waaya aragnimadii laga bartay loo baahan yahay hanaan sharci oo la isku waafaqsan yahay inta aan la bilaabin doorashada.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Aqalka sare oo ah mas’uulka ugu sareeya siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ka soo jeeda inuu la-tashi ballaaran la sameeyay siyaasiyiinta & waxgaradka gobolada Waqooyi uu dejiyay habraac dhameystiran oo hagaya habsami u socodka doorashooyinka kuraasta Gobolada Waqooyi, isla markaana uu Magacaabay guddi doorasho oo lagu soo xulay wadatashi buuxiyayna shuruudaha habraaca loo dejiyay qaban karana doorasho huufan oo cadaalad ah.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Aqalka Sare & Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ayaa waxaa ay ka digeen qabashada doorasho aan leysku waafaqsaneyn, iyaga oo codsaday in Xubnaha musharixiinta Madaweynaha, Bulshada Rayidka & Bulshada Soomaaliyeed inay soo farageliyaa oo ay waxka qabtaan cadaalad darrada socota.