Ganacsato Soomaali ah Oo Dil iyo Dhaawac Loogu Gaystay Dalka Mozambique.

Wararka aynu ka heleyno Dalka Mozambique oo xaduud wadaag la ah Koonfur Afrika, ayaa sheegaya in Burcad isusoo ekeysiiyey Ganacsato ay xiriiro lasoo sameeyeen qaar kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan Gobalka NIASSA Magaala Madaxdiisa LICHINGA iyago u sheegay in ay hayaan Galeey ay u raadinayaan macaamil ka iibsata.


Sida uu kusoo waramayo Maxamed Yaqshiid oo ah Suxufi degan Mozambique, Laba kamid ah Ganacsatada Soomaalida, ayaa durbadiiba gaaray halka ay kooxda burcadda kasoo waceen oo magalada u jirto 25km hase yeeshe markii ay gaariga ka dageen waxa xabado la dhacay kooxdi goobta ku diyaarsaneyd oo mid kamid ah dilay mid kalana dhaawacay.

Mid kamid ah Labada wiil ayaa islamarkiiba meesha ku geeriyooday halka wiilka dhawaaca ahna la geeyay Isbitaal ku yaalla Isla tuulada dhibaatada ka dhacday.

Soomaalida ku dhaqan Magaalada LICHINGA ayaa ku dadaalaysa si ay gurmad ugu fidiyaan Muwaadinka dhaawaca ah ee tuulada Magaalada ka fog ku go’doonsan iyagoo kaashanaya laamaha amniga Dowladda.