Dowladda Faransiiska ma waxay cadaadis cusub saareysaa Muslimiinta dalkaas?

Golaha Muslimiinta Faransiiska ayaa lagu wadaa inay toddobaadkan dhexdiisa la kulmaan Madaxweyne Emmanuel Macron, si ay ugala hadlaan qoraal ku qoran “axdiga qiyamka Jamhuuriyadda” ee cusub kaas oo loogu talo galay inay saxiixaan imaamyada dalkaas.

Golaha (CFCM), oo wakiil ka ah ilaa sagaal ururro Muslimiin ah, ayaa la sheegay in laga dalbaday inay qoraalka axdiga ku daraan aqoonsashada qiyamka Jamhuuriyadda Faransiiska, diidmada in Islaamka loo adeegsado dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo in la mamnuuco faragelin shisheeye.

“Dhammaanteen iskuma raacsanin waxa uu axdigan yahay, iyo waxa ku xusan,” ayuu yiri Chems-Eddine Hafiz, oo ah madaxweyne ku xigeenka CFCM kana tirsan Masjidka weyn ee Paris. Balse, wuxuu yiri, “waxaan mareynaa xilli taariikhi u ah Islaamka Faransiiska, haddii aan nahay Muslimiintana waxaan qaadaneynaa mas`uuliyaddeenna”.

Siddeed sano kahor, wuxuu sheegay, inuu si aad uga duwan sidan u fekeri jiray.

Wuxuu dib u milicsaday dhacdo hore. Mohamed Merah oo kooxaha Islaamiyiinta ka tirsanaa wuxuu markaas weerarro ka fuliyay Toulouse.

“[Madaxweynihii hore ee Faransiiska] Sarkozy ayaa iga kiciyay sariirta 5am si aan uga hadalno,” ayuu yiri. “Waxaan u sheegay: ‘Magaciisa waxaa laga yaabaa inuu yahay Maxamed, balse waa dembiile!’ ma dooneyn inaan isla xiriiriyo diinteyda iyo dembigaas. Maanta, waan isla xiriiriyaa. Imaamyada Faransiiska shaqo ayaa u taalla.”

Qorshaha wuxuu yahay in CFCM ay soo saaraan liiska imaamyada Faransiiska ku sugan, qof walboo ka mid ahna uu saxiixo axdiga, si iyagana loo siiyo aqoonsi.

Madaxweyne Macron wuxuu bishii October ka hadlay inuu “cadaadis xooggan” saari doono maamullada Muslimiinta. Balse kani waa geyi adag oo ka tirsan dal taageersan cilmaaniyadda.

Mr Macron ayaa isku dayaya joojinta faafitaanka siyaasadda Islaamka, isaga oo aan loo arkeyn inuu faragelinayo dhaqanka diinta, amaba beegsanaya hal diin.

In dhammaan kooxaha Muslimiinta lagu dhafo bulshada Faransiiska ayaa sanadihii la soo dhaafay ahayd arrin siyaasadeed oo cadaadis leh. Faransiiska waxaa ku nool qiyaastii shan milyan oo Muslimiin ah – waana dalka ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan Yurub.

Olivier Roy, oo khabiir ku ah Islaamka Faransiiska, ayaa sheegay in axdigu uu keenayo labo dhibaato. Mid waa takoor sababtoo ah wuxuu beegsanayaa keliya imaamyada Muslimiinta, tan kalena waa xaqa xorriyadda diinta.

“Waxaa lagaa doonayaa inaad aqbasho shuruucda dalka,” “balse lagaama doonayo inaad u dabaaldegto qiyamkiisa. ma takoori kartid dadka la isku yiraahdo LGBT, tusaale ahaan, balse kaniisadda Catholic-gga lagama doonayo inay aqbasho dadka isku jinsiga ah ee is guursada.”

Iman Mestaoui oo naqshadeysa dharka waxay aflagaaddo joogto ah kala kulantaa kuwa ay ugu yeertay “kuwo wax neceb” – oo Islaamiyiin mayal adag ah oo sheegay in xijaabyada iyo masarrada ay soo saarto aysan si wanaagsan u dabooleynin timaha haweeneyda.

Balse, waxay sheegtay, in fekerka ah in imaamyada ay saxiixaan “Qiyamka Faransiiska” ay tahay dhibaato, xilli ay dad badan u arkaan Muslimiinta inaysan ahayn Faransiis buuxa.

“Waxay ina dhigeysaa meel yaab leh oo ay tahay inaad dadka tusto inaad u hoggaansantay qiyamka Jamhuuriyadda; adiga oo dareemaya inaad tahay Faransiis, balse aysan iyagu kuu arkin,” ayay tiri.

Imam Hassen Chalghoumi

“Waxaan dareemeynaa in wax walba oo aan sameyno- bixinta canshuurta, qabashada [adeegga qaranka] – aysan ku filneyn. Waa inaad caddeysaa inaad tahay Faransiis dhab ah: waa inaad cuntaa hilibka doofaarka; khamri cabtaa; aadan xiran xijaab, goonno gaaban xirataa. Waana wax la yaab leh.”

‘ Xagjiriinta xilliga bambada’

Balse Hassen Chalghoumi, oo imaam ka ah masjidka Drancy oo ku yaalla bannaanka Paris, ayaa sheegay in kaddib sanado weerarro argagixiso ay dalkaasi ka dhacayeen, ay dowladdu ku qasbanaatay inay ka falceliso. Mr Chalghoumi ayaa haatan is qarinaya, kaddib hanjabaado dil ah oo uu la kulmay sababo la xiriira aragtidiisa uu isbeddelku ka muuqdo.

“Waa inaynu qaadnaa tallaabo dheeri ah oo aan ku muujineyno inaan si wanaagsan isugu milannahay, oo aan ixtiraameyno sharciga,” ayuu yiri. “Tani waa cawaaqibta ka dhalatay kooxaha mayalka adag.”

A protest over the French law on Muslim headscarves, Avignon, 3 Sep 16

Bannaanka Masjidka Weyn ee Paris, waxaa yimid Charki Dennai oo doonaya inuu tukado, wuxuu sitaa salli iyo kitaab Qur`aan.

“Dadkan dhalinyarada [xagjiriinta ah] waa kuwa xilliga bambada,” ayuu yiri. “Waxaan u maleynayaa in imaamyada ay axsaan u sameynayaan. Waynu ixtiraami karnaa sharciga Faransiiska iyo sidoo kale kan Islaamka, waa la isku dabaqi karaa. Waa sida aan sameeyo.”

Balse waxaa jira su`aalo la iska weydiinayo heerka ay la ektahay saameynta ay imaamyadu ku leeyihiin Muslimiinta da`da yar, gaar ahaan marka ay timaaddo rabshadaha ku saleysan xagjirnimada.

“Suurto gal ma aha,” ayuu yiri Olivier Roy, “sababtu way fududdahay: argagixisadu kama yimaadaan masaajidda salafiga. Haddii aad eegto taariikhda argagixisada, midkoodna kuma imaan dacwadda salafiga.” Salafinimadu waa xagjir, tallaabo asal raac ah oo lagu dhafay siyaasadda Islaamka.

Wax ka qabashada dhalinyarada go`doonsan

Axdiga wuxuu qeyb ka yahay hannaan ballaaran oo ay dowladdu wax uga qabaneyso faragelinta shisheeye, ay uga hortageyso qalalaasaha iyo khataraha ka imaanaya xagjiriinta, ayna dib u hanato dhalinyarada aaminsan inay dowladdu dayacday.

Mr Macron ayaa ballan qaaday in luqadda carabiga lagu dhigo iskuullo badan oo kuwa dowladda ah, iyo in maalgashi badan lagu sameeyo deegaannada qaar ee la illaabay, wuxuuna sheegay inuu beegsanayo Muslimiinta diiday sharciga Faransiiska iyo qiyamka, ee uusan u jeedin Muslimiinta guud ahaan.

Hakim El-Karoui waa khabiir dhanka dhaqdhaqaaqyada islaamiga ah kana tirsan machadka Institut Montaigne oo qeyb ka qaata sida ay dowladdu u fekerto.

“Waan taageersanahay hannaanka,” ayuu yiri. “Waa mid la fahmi akro. Waa mid dhaqameed, sidoo kalena waxay ku saabsan tahay urur iyo maalgelin.”

Balse, wuxuu sheegay, in Muslimiinta qudhooda ay dowladdu ku darto mashaariicdan oo kale, “sababtoo ah waxay wax badan ka qaban karaan faafinta wanaagga Islaamka ee gudaha baraha bulshada – dowladdu taas ma awooddo”.

Iyada oo ku sugan studiyow ku yaalla Paris, isla markaana sawirro u diyaarineysa xijaabyada cusub ee ay soo saartay, ayaa Iman Mestaoui waxay sheegtay in dhamaman qoyskeeda ay ku qancisay inay u codeeyaan Madaxweyne Macron sanadkii 2017.

Wixii intaas ka dambeeyay, waxay dareentay “isbeddel weyn” oo ku yimid xaqa arrimaha sida soo galootiga iyo ammaanka.

“Waxaan taageersanaa Macron,” ayay tiri. “Wuxuu rajo dhab ah u ahaa qowmiyaddeenna, balse waxaan dareemeynaa in nala dayacay.”

Xigasho:BBCSomali