Dagaal Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda ku dhexmaray Deegaan ka tirsan Sh/Hoose iyo khasaaro ka dhashay.

Dagaal ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab wuxuu ku dhexmaray degaanka Sabiid ee gobolka Shabeellaah Hoose, waxaana ka dhashay qasaaro kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii sida la sheegay Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada Dowladda ku leeyihiin degaanka Sabiid, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday muddo dhowr saacadood ah.

Dadka degaanka Sabiid ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab, balse aysan cadeyn Karin khasaaraah ka dhashay maadaama dadka Shacabka ah aysan tei Karin goobaha lagu dagaalamay.

Saraakiil Ciidan ayaa dhankooda waxay sheegeen inay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab isla markaana ay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen dagaalkii ay la galeen.

Al-Shabaab ayaa dhankooda warar ay ku daabaceen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxay ku sheegeen in weerarka ay ka geysteen degaanka Sabiid ay ku dileen laba Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda, in kastoo aysan jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Dagaalka ka dhacay degaanka Sabiid oo hoostaga degmada Afgooye ayaa wuxuu ku soo aadayaa xilli dowladda Soomaaliya ay sheegtay in howlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose lagu qabtay Saraakiil & Xubno ka tirsan Al-Shabaab.